Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jama111 on April 25, 2017, 09:04:23 AM

Title: Su'aal: Madax xanuun Subaxa Hore ah?
Post by: Jama111 on April 25, 2017, 09:04:23 AM
Asc waan Idiin salaamay marka Hore dhamaan tiin su'aashaan Qaba Waxey Tahay Dr Waxaan Isku arkay madax Xanuun Salaada Subax,ah Markaan Salaada U Kaco Iyo Cadho Ama Xanaaq Aanan Garanayn Meeluu Iiga Yimi Madax Xanuunka waliba Markaan Habeenkii Hurdo Yar Seexdo Baan Isku Arkaa Badanka Matalan 5 saacadood hadaan Seexdo Habeenki Ama 6hours aan seexdo  waxaan salaada Subax Lasoo kacayaa madax Xanuun Aad Moodo In madaxa Xididadiisa ama nervihiisu i garaacmayaan Iyo Xanaaq
 marka Mar aan Meel ka shaqayn jiray Baan Isku Arkay Hada Ka hor Lkn Shaqadii waan iska Dhaafay wax Daawo Ah ma qaato Dr Een markaa maxay Noqon kartaa? maxaad se igula talin lahayd
Su aasha 2 aad Na Waxay Tahay Dr Qof wadankale Jooga Hadaan dr (doctor) intaan u tago daawooyin uga Qoro kawaran oo qofka sidii cabashadiisu Ahayd u sheego Saa iyo saa baa loo qabtaa Wax daawo Ah ma qaato Xanuunkaasuu qabaa Een da,daa buu jiraa ama
Magaran Karaa xanuunka haya doctorku? hadaan U sheego sida loo hayo oo daawooyin ma u qori karaa iyagoon is arag ?  Een Ama Aan U sheego cabashadiisa Ama Sida loo qabto Iyo wuxuu dareemo Magaran karaa waxa Haya? Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun Subaxa Hore ah?
Post by: SomaliDoc on September 06, 2017, 09:26:07 PM
Madax xanuunka la dareemo hurdada ka dib waxaan kaga hadalnay qoraalkaan ee akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7382.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7382.0)

Midda ku saabsan la talinta qof aan dhakhtar la joogin waa laga fiican, daawo qoristuna haddii ay tahay daawooyinka qofka soo gadan karo warqad la'aan "OTC Drugs" wax dhib ah kuma jiro.