Somali Medical Forums

Health Related Forums => Islam and Medicine => Topic started by: MuslimDoc on October 19, 2007, 08:27:46 AM

Title: Xubno Ku Beerid Jir Kale
Post by: MuslimDoc on October 19, 2007, 08:27:46 AM
Su'aashu waxa ay aheed: " Diintu maxey ka qabtaa in lagugu beero xubno qof kale laga soo saaray?"

Bismilahi Al-rahman Al-rahim
Islaamku wuu karaameeyay biniaadanka isagoo nool iyo isagoo dhinsanba, isagoo dhinsan waxa uu karaamad u yeelay qabrigiisa, iyo jirkiisaba, rasuulka (صلي الله عليه وسلم) waxa uu yiri: "Qof dhintay laftiisa oo la jabiyo waxa ay la mid tahay iyadoo la jabiyay isagoo nool" waxaa wariyey axmed, abu-daud iyo ibnu-majah.
Laakiin islaamka waxa uu wax walba u yeelay xal waxa uuna ka mid dhigay ilaha laga qaato shareecada waxa loo yaqaano "Al-Qiyaas".
Qiyaaskan oo ah macnihiisa in wax dhacay oo aysan daliil uga soo aroorin kitaabka quraanka iyo xadiithka nabiga lagu fiiriyo wax iyadoo kale ah oo ay sameeyeen nabiga iyo saxaabadiisa lagana qiyaas qaato, taasi oo macnaheeda ah in diinteena aysan caqliga hawl gab ka dhigin.
Wax yaabaha ilaahay xarimay waxaa ka mid ah meytka, dhiiga iyo in la cuno hilibka doofaarka (إنما حرم عليكم الميتة والدم ولحم الخنزير وما أهل به لغير الله) lakiin ilaahey wuu noo xalaaleeyay marki ay timaado baahi, lagana maarmi waayo (فمن إضطر غير باق ولا عاد فلا إثم عليه).
Marka anagoo ka qiyaas qaadaneyno aayadii hore waxa noo soo baxaya arimahaan soo socdo:
1- Waxa yaabahaas loo baneeyay baahi darteed waa inuu ka faaideystaa qof nool.
2- Insaankii nool oo waayo xibin jirkiisa ka mid ah sida, indhihiisa, kilyihiisa, beerkiisa ama xubin kalaba waxa uu soo galay "حكم المضطر" taasi oo ugu jirta isaga maslaxad.
3- Qof dhintay xubintiisa oo lagu beero qof nool shurudo ayey leedahay:
.
.
.

MuslimDoc