Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Waxbaro! on November 17, 2007, 09:59:45 PM

Title: Hargab dilaa ah!
Post by: Waxbaro! on November 17, 2007, 09:59:45 PM
Waxa suuqa soo galay hargab qatar ah oo qofku u dhiman karo, hargabkaan oo ilaa hada sida la sheegay u dhinteen 10 qof ayaa dhakhaatiirta waxay sheegeen inuu keenay fayruuskii keeni jiray oo isbadalay (Mutated Viruse).

Sida horayba loo yaqaanay hargabka cudur halis ah maaheen, khaas ahaan dadka waaweyn wax dhibaato ah uma geesan jirin.

Viruseka keeno hargabka oo loo yaqaano (Adenoviruse) oo noocyo badan leh oo gaaraya ilaa 40 kuwaasoo kuligood wax qatar ah aanan ku heynin biniaadanka ayaa veyruuskii 14-aad isku badalay nooc halis ah.

Dhakhaatiir badan iyo culamo u dhashay dalka mareykanka ayaa ku mashquulsan sidii looga hortagi lahaa hergabkaan qatarta ah, maadaama meesha uu ku dilay dadkaan ay tahay cariga mareykanka.

Waxbaro!