Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anassom on December 06, 2016, 08:39:23 PM
-
Asc Dr waxan ahay wiil yar oo da'disu ay tahay 17 jir culeyskeyga neh waa 80kg
Marka Dr waxan isku arkay malmahan marka an dhargo iney nefsashada igu adkata marka maxey tahay sawabta Dr ,
Mahadsanid...!!
-
(http://somalidoc.com/Topics/naqascunno.png)
Bismillah,
Dad badan ayaa ka sheegto inuu neefsiga dhibo ama naqaskaba ku dhago markay wax cunaan, waxyaabo fudud iyo waxyaabo halis ah intaba way keenaan laakiin 6 sabab ayaa ugu muhiimsan.
- Cunto badan oo aad si dhakhso ah ku cuntid waxay keentaa in hawo badan aad la liqdo, taasoo caloosha dibbirnayso, kadib waxay soo cadaadinaysaa muruqa kala teeda caloosha iyo feeraha, sidaas ayuuna qofka ku dareemaa culeys dhinaca neefsiga ah. cunnada waa in aayar ah u cunto, una ruugto, in kugu filanne aad ka qaadato, ka fogow dharagta siyaadada ah.
- Xasaasiyadda cuntada: haddii cunnada aad cuntay ay ku jiraan wax aad xasaasiyad ku qabto waad dareemi kartaa in naqaska kugu dhago ama neefsiga uu dhib kugu noqdo.
- Cillad sanbabka: haddii aad qabtid cillad dhinaca sambabada ah sida xab ku xiran hawo mareenka, haddii aad qabtid cudurka neefta/xiiqda ama oofwareenta.
- Laabjeexa: gaaska nooca laabjeexa wato wuxuu keenaai n qofka neefta ku dhegto, wadne garaac badanne waa la dareemaa, sababtoo cunnadii iyo aashitadii ayaa dib ugu soo laabanayso jidiinka, akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0)
- Wadna garaaca khalkhalsan: waa cillad dadka qaar ay qabaan, taasoo wadnaha ka dhigayso inuu gariiro maadaama garaaca uusan saxnayn, qofka cilladaan qabo wuxuu dareemaa dhib neefsiga ah cunnada ka dib, wuxuu kaloo dareemaa wareer, feero xanuun iyo in indhaha ay madoobaanayaan oo kale.
- Cillada welwelka: diiqada iyo welwelka waxay ka mid yihiin waxyaabaha keeno culeys xagga neefsiga ah markaad wax cuntid, qofkaan wuxuu kaloo isku arkaa cabsi, daganaansho la'aan iyo cillad argagax oo aan waqti lahayn taasoo la dareemi karo dharagta kadib.
Haddii aad cilladaada ka fahantay liiskaan iyo haddii kalaba, fadlan la xiriir dhakhtar si loo hubiyo xaaladaada, waxaa kaloo jiri kara cillad ka duwan kuwa aan kor ku soo xusay.
Ha Samaynin Waxyaabahaan Cunnada Ka Dib:
https://www.youtube.com/watch?v=rHMekHPoVT0 (https://www.youtube.com/watch?v=rHMekHPoVT0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)