Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Almaas Axmed on October 23, 2017, 05:00:53 PM

Title: Su'aal: Arooska kadib 2 bilood xanuuno aan isku arkay?
Post by: Almaas Axmed on October 23, 2017, 05:00:53 PM
Asc Som Doc, Fadlan arrin i heysata ayaan doonayay inaad ika caawisaan.
waxaan guursaday mudoo hada laga joogo 2ba bilood, balse weli wax uur ah  iskuma arag mana la ika soo sheegin oo sidi caadiga aheed ayaan u helaa caadada balse waxaa jira arrin yar oo i heysata taa oo ah in caloosha hoosteeda la ika qabto oo aan ka dareemo xanuun (mindhicirka) marki aan fooraarsadana uu ika yimaado dheecaan wadnahana aad moodo inuu i jiitamayo, mudo bil laka joogo baan mar is baaray infection baana la ika sheegay daawooyinki waan qaatay balse arrintaan kale ayaan isku arkay.
fadlan hadii aad ika caawin kartaan waxa arrintani ee tahay ika caawiya ama iku caawiya baaritaanada aan u baahanahay nuucooda

Mahadsanidiin

Title: Re: Su'aal: Arooska kadib 2 bilood xanuuno aan isku arkay?
Post by: SomaliDoc on November 20, 2018, 08:18:48 PM
Waxay u badan tahay inuu caabuq jiro, qeybta hoose caloosha oo ku xanuunayso ama ku danqanayso, qoyaanne uu jiro.
Haddii ay waxtari waysay daawadii hore, fadlan dhakhtarka ku laabo.
Akhriso faahfaahin ku saabsan infekshanka haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)