Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Oskaman on October 07, 2015, 08:54:39 PM

Title: Su'aal: Astaamahaan ma xanuun baa mise?
Post by: Oskaman on October 07, 2015, 08:54:39 PM
Salaan kadib waxaan doonaya inaa wax niiga weydiyo calaamado aan isku arkay inay jiro tahay iyo inkale kala garan waayey. Calamadaha waxa kamida:
1. Kalsooni xad dhaaf ah
2. Firficooni zaaid ah.
3. Sex desire badan xata mararka qaar ka sexan wayo(kacsi badan)
4. Anoo hurdo badan iyo nasasho badan ubaahanin xata hada manta dhan shaqeynayey.
5. Inaa isku arko inaa dadka kale wax dheerahay .
 
Isbuucyo kadib waxa dhacda inaan caadi kuso laabto oo saxibada qaar iweydiiyan maxa kugu dhacay sidi hore uma firfircoonide markaasna dareemo niyad jab. Please waxan sugaya jawabtina . Thank you.
Title: Re: Su'aal: Astaamahaan ma xanuun baa mise?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2015, 12:12:24 PM
Badanaa sifaatka ama dabeecada uu biniaadanka eebe ku abuuray waxay leedahay xad haddii ay dhaafto la dhihi karo dhibaato ayaa jirta, taasina laguma fahmi karo su'aal ee waxaa lagu fahmaa waraysi iyo u fiirsasho ay ku jirto in la qiyaaso hab dhaqankaaga, tusaale ahaan.

Kalsoonida waa wax fiican, laakiin haddii ay xad dhaaf noqoto oo aadan kala sooci karin wixii dhib kuu keeni kara ama halis caafimaadkaaga galin karo oo aad ku dhiirato adigoo tiigsanaya kalsoonidaada, taasi waa dhibaato maskaxeed oo u baahan xallis, sidoo kale firfircooniga siyaadada ah waxay noqon kartaa arrin fiican laakiin haddii ay caafimaadkaaga dhibaato ku tahay oo aadan is daryeelaynin oo aad culeys aadan xamili karin isi saartid iyadane waxaa la dhihi karaa waa dhibaato caafimaad, sidoo kale rabitaanka galmada, hurdo yarida iyo dhafarka iyo isla waynida intaba.

Laakiin haddii aad aragto in dadka aad la dhaqanto in ay kuula dhaqmayaan qof wareersana ama aan caadi ahayn oo kale, fadlan la xiriir dhakhtar si loo fiiriyo haddii ay cillad jirto, waxaa kaloo jiri kara in ay hormoonada qaar ay ku kacsan yihiin oo keeni kara astaamaha qaar aad tilmaantay sida xanuunkaan oo kae: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)