Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed A. C on April 24, 2013, 05:35:35 PM

Title: DAAMANKA OO SANQARA
Post by: Axmed A. C on April 24, 2013, 05:35:35 PM
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATU LAAH
WALAAL WAXAAN WAYDIINAYAA DHAKHTARKA MARKASTA OO AAN HAMAANSADO AMA AFKA AAN AAD U KALA QAADA WAXAA SANQAR SAMAYNAYA DAAMANKA MARKA AY ISKU SOO NOQONAYAA
MARKA MAXAA KA KHALDAN MAXAASE LAGU DAWAYN KARAA
WAX XANUUN AH IGAMA HAYO LAAKIIN MARKA AY ISKU SOO LAABANAYAAN QAC AYAA KA YEERTA

WAAD MAHADSAN TIHIIN
Title: Re: DAAMANKA OO SANQARA
Post by: SomaliDoc on May 15, 2013, 11:22:15 AM
Daamanka oo shanqara markaa halaaqyooto waa dhibaato badanaa ay la kulmaan dhalinyarada, waxaan kugula talin lahayn in aad la xiriirtid takhtar ilko si laguu daaweeyo.

Daanka waxuu ka kooban yahay laba laf oo is gasha, haduu dabco kalagoyska labadaas laf oo loo yaqaano "TMJ" ayaa kala bixi kara ama dabci kara saas ayaa ku dareemaysaa shanqartaan.

Haddii ay muddo dheer jirto waxaa dhici kara in ay kala baxdo ee la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa