Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shuaib Osman on April 16, 2017, 10:52:00 PM

Title: Su'aal: Qof uu dhig kufurtay maka bogsan karaa?
Post by: Shuaib Osman on April 16, 2017, 10:52:00 PM
Asc marka horewan umahad celinaya dhaktarka waxan raba intalo laigasiyo arintan doctor abahay oo da'a dikar bulaha marka mada ayu dhigkaga furtay hosbital ban geyay mudo marku jifay ayan kasosarar doctor waxu igudhahay ubogsan waxan uqaban karo hada malaha kinini bu isoqoray hada ilaaa sanad uu jifa hada garashada iyo hadalku uronyahay xoga lakin awod mala lugaha waysolamen sidu uadkayjiren makala baxayan doctor waxan kuwaydinaya malaga bogsan karaa ?seena lagudawayn kara ? Lugaha sodumayna maxaa lagudawayn kara        mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Qof uu dhig kufurtay maka bogsan karaa?
Post by: SomaliDoc on August 09, 2017, 10:47:05 AM
Walaal xanuunkaan waxaa loo yaqaanaa "Stroke", weliba nuuca dhiigga ku furtay maskaxda ee "Hemorrhagic Stroke", ka kicista xanuunkaan waxay ku xiran tahay dhowr shay oo kala ah, qadarka dhiigga furmay ama ahmiyadda xididka dillaacay, dhiigga qeybta uu kaga shubmay maskaxda, da'da qofka, caafimaadkiisa guud, xilliga lagu bilaabay la tacaalista iyo qaabka loola tacaalay intaba.

Way jiraan dadka ka kaca laakiin isbadal joogto ah ayaa la dareemaa haba yaraato intay la egtahay, hadduu aabo sariir iska saarnaa muddada 1-ka sano ah iyadoo wax jimicsi ah ama murqo ka shaqaqysiin loo samayn waxaa isku soo laabmayo kalagoysyada waxaana dhacayo waxa loo yaqaano "Contractures", wayna dhib badan tahay in luguhu mar kale fidaan. Fadlan wixii faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0)