Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amaake on December 21, 2016, 10:56:10 PM

Title: Su'aal: Geedkaygu markuu kaco isla markiiba wuu damayaa?
Post by: Amaake on December 21, 2016, 10:56:10 PM
Asc aad ayaan idin salaamaya sallaan ka bacdi. Dr da'daydu wàa 30 dhararkayguna waa 180 misaankayguna waa 70. Cuntadaan isticmaalana waa kalluun. Digaag. Iyo beed. Iyo khudarba. Waanan jimicsadaa ever day shaqo wanaagsan waan kashaqeeyo. Marka Dr hamadaydu way yartahay  geedkaygu markii kaco isla markiiba wuu damaya hadaanan hore ulla gaadhin xaaskayga. Mararka qaarna Anno hawsha kujira ayuu damayaaba. Marka illa talli Dr dhakhaatirtaan utagana caadibaad tahay ayey illeeyihin. Minfadlan ILLAHAY dartii ii caawi. Jaza kallaahu khayr
Title: Re: Su'aal: Geedkaygu markuu kaco isla markiiba wuu damayaa?
Post by: SomaliDoc on March 18, 2017, 04:10:59 PM
Kacsi la'aanta iyo hammi yarida waxa ugu badan oo keeno maahan cillad jirka ah oo baaritaan lagu ogaan karo, waxa ugu badan boqolkiiba 90% waa isbadalka nafsiga ah ee kugu soo kordho, tusaale: daalka, hurdo yarida, isku-buuqa, daawooyin aad isticmaashay ama welwel kaa haysto arintaan laftirkeda ayaa ugu badan waxyaabaha keeno, waxaa ku badan xanuuno kale oo jirka ku jira sida macaanka, kolestaroolka, hoos udhaca qanjirka thryoid-ka, caabuqa borostaatada iyo cillado kale. kadib ayaa lagu fakaraa cillad hormoonada ah ama cillad jinsiga la xiriirto.

Waana arrin laga gudbo oo uma baahno wax daawo ah, fadlan akhriso qoraal aan arintaan ku faahfaahinnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)