Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aqoonkorodhsi on February 04, 2013, 02:05:52 AM

Title: Su'aal ku saabsan HIV.
Post by: Aqoonkorodhsi on February 04, 2013, 02:05:52 AM
Dhamaantiin aadbaan idiin salaamay, waxaan dhakhtarka waydiin su'aalo ku saabsan xanuunka HIV. gaar ahaan marka ay noqoto galmada ay is galaan guska iyo farjigu, waxaanay yihiin sidan:
HIV ma waxa la qaadi karaa hadii ay is taabtaan shaahwada ninka iyo dheecaanka siilku?, mise waxa la qaadi karaa hadii shaahwada ninka ama dheecaanka siilku ay gaadhaan oo ay taabtaan nabar ama meel jeexan oo ku taala guska ama gudaha siilka?.
HIV ma gudbi karaa hadii aanay biyaha ninka, dhiiga qof qaba xanuunka ama dheecaanka siilku aanay taaban meel nabar ah oo qofka xanuunaysa xiitaa finba ha ahaatee?.
Ninku ma qaadi karaa hadii dheecaanka siilku galo ibta guska?.
fadlan waxaan dhakhtarada uu ilaahay cilmiga baray iga jaahil tiraan qaabka uu u gudbo xanuunkaasi, waanad mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal ku saabsan HIV.
Post by: SomaliDoc on March 16, 2013, 10:34:03 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurka HIV-ga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,446.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,446.0.html)