Somali Medical Forums

Finance & Aid => Humanitarian Aid Organizations => Topic started by: SOYDA on June 14, 2008, 07:47:07 PM

Title: Waa inoo wada farxad iyo guul!!!!!!
Post by: SOYDA on June 14, 2008, 07:47:07 PM
waxaa farxad wayn inoo ah maanta oo taariikhdu ku beegantahay 14/06/08 in aan furney 3 health centers, mid waxaan ka furnay bakaaro dhaxdeeda waxaana la yiraahdaa Bakaaro medical center waxaana ugu talagalnay dadka aan soo gaari garin xarumaha kale in ay ka faaiidaystaan, mida kale waxaa laga furey Km 13 waxaana loo bixiyey SOYDA medical center, halka mida sadaxaad laga furey madiino, marka waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan bulsha waynta soomaaliyeed waxaana leeyahay in hadi kacanta aad isqabsataan in wax badan aad a wood u leedihiin waxaan tijaabo idiin kuugu filan ururkaan waxaa ku midowbay arday marka jeebkeena ayaa waxaan oo dhan ka abaabulnay so let us hold our hands up!

Dhamaan xarumahaas aan kor ku soo xusnay waa kuwa si mutadawacnimo loogu adeegaayo bulshadeena aan  awooda laheen in ay iska bixiyaan visitition fiiga.

Dhinaca kale wali waan wadnaa howlihii mobile teamka waxaa noo qorsheesan jimcahaaan in aan aadno jambaluul, so waan idiin soo gudbin doonaa data aan halkaas ka soo qaadno maqal iyo muuqaal.

BY Executive Director
Title: Re: Waa inoo wada farxad iyo guul!!!!!!
Post by: Munim on June 17, 2008, 10:12:26 PM
Thanks SOYDA waxqabadkiina gesinimada leh mabruuk xarumaha cafimadka cusub od furteen ALLAH idinla garabgalo inta dhiman.
Title: Re: Waa inoo wada farxad iyo guul!!!!!!
Post by: PrincessMuni on June 17, 2008, 10:37:48 PM
Congratulations! thats very good
Title: Re: Waa inoo wada farxad iyo guul!!!!!!
Post by: Diagnostic on June 25, 2008, 10:40:55 AM
Waa wax aad iyo aad loogu farxo, ee howsha meesha ka sii wada allane ha idinla garab galo.
Title: Re: Waa inoo wada farxad iyo guul!!!!!!
Post by: Dr.Farabadan on September 08, 2008, 01:09:00 PM
Hamblayo ayaan idin leenahay adinka iyo inta idinkala qeyb qaadatayba, dhab ahaantii marxalada uu wadanku ku jiro waa mid aad u murugsan  oo xaalada caafimaad ay mareyso meeshii ugu hooseeyeysay, waana lama huraan il lahelo dad isu taaga caawinta shacab si looga samata baxo marxaladan aadka u adag. Adinkana dadaalka aad sameyseen waa mid appreciation mudan, taariikhda ayaana xusi doonta wax qabadka aad bulshada u qabateen.

  Ugu danbeytii waxaan idin leeyahay ha ka caajisina dadaalkiinana sii laba jibaara