Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hodan on September 06, 2015, 07:56:04 AM

Title: Su'aal: Labada Qof ee Isku Dhiiga Ah?
Post by: Hodan on September 06, 2015, 07:56:04 AM
Asc

Salaan kadib Waan idiin Mahad naqaynaa  Dhakhaatirta Qaaliga ah intaa kadib waxaan  doonayaa in aan su;aal idin waydiiyo si  aan uga jaahil baxo.

Waxaan dhalay wiil waxaan dib ka ogaaday in aniga iyo Saygaygu aanu nahay isku dhiig B+ B- haddaba    waxaa lay sheegay in ilmaha u horeeya  marka 9 sagaalad lagu jiro irbad laygu mudi lahaa laakiin may dhicin oo lamaba ogayn markaa imika maxaa xal ah waxaa kale oo dhakhtar aan la xidhiidhaa i soo siiyay  Daawo 2 bil soconaysa oo Magaceeda la yidhaahdo hovid vitamin e 400 iu  Maxay ii Faa'iidaynaysaa Hadii Hal Jiro Maxaan Sameeya ama Jidkee u maraa si aan ilmo kale u qaado iyadoo aan tii allena meesha ka madhnayd Waad mahadsan tihiin Dhamaantii  dhakhaatiirta Qaaliga ah.
Title: Re: Su'aal: Labada Qof ee Isku Dhiiga Ah?
Post by: SomaliDoc on September 07, 2015, 12:25:46 PM
Hadduu aabaha uu dhiigiisa +ve yahay (B+), hooyadane ay -ve tahay (B-), cunuga wuxuu noqon karaa +ve, hooyada jirkeeda ayaa diidi kara dhiigga cunugga oo marka ugu horreeya ilmaha way ka badbaadaan laakiin uurarka ka dambeeya hooyada dilan ayay halis u gali kartaa, sdiaas awgeed waxaa hooayda la siiyaa cirbad jirkeeda hilmaansiinaya in aysan la dagaallamin dhiigga uurjiifka.
Waa qasab in cirbadaas lagu siiyo uur kasta ee la xiriir dhaktharkaaga.

Midda ku saabsan kaniiniga "hovid vitamin e 400 iu" waa fitamiinno laguu soo qoray ee xanuun gooni ah looma qaato, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan waxa vitamiin-ka uu taro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)
Title: Re: Su'aal: Labada Qof ee Isku Dhiiga Ah?
Post by: Hodan on September 08, 2015, 10:07:02 AM
  Aad ayaad u  hamadsan tihiin   uurkii labaad wali ma qaadin waxaana laga joogaa afar sanno  markaa ma dhici kartaa in uu  dhiigaa isku midka ahi ii diidayo in aan uur qaado in kastoo tii alle meesheeda tahay , intaas iga jaahil saara waad mahadsan tihiin sida fiican ee aad noogu soo jawaabtaan
Title: Re: Su'aal: Labada Qof ee Isku Dhiiga Ah?
Post by: SomaliDoc on September 09, 2015, 01:15:28 PM
Uur qaadis la'aanta kama imaado dhiigga kala duwan, waxa cabsida ay timaadaa xilliga foosha waana sababta aad u qaadanaysid cirbadda ka hortagga ah.