Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Boqornajaashiii on February 11, 2019, 05:18:02 PM

Title: Su'aal: Madax kala guurka?
Post by: Boqornajaashiii on February 11, 2019, 05:18:02 PM
Asc dhaman bahda somalidoc.
Salaan kadib waxaan codsanayaa in la iiga jawaabo sadax suaalood.

1. Maxaa calaamado ah oo lagu gartaa ilmaha qaba madax kala guurka, yaase halis ugu jira?.

2. Dr. Maxaa sababa xanuunka pressure-ka isha ku dhaca " pressure in the eye" maxase lagu gartaa?.

3. Xaaska aan wada joogno waxay ka cabanaysaa; wadnaha oo garaacma mar mar, naaska bidix oo dikaama, xoogaa kuleel ah oy naaska ka dareento iyo dhinaca bixid oo dhan oo mar mar xanuuna.

Ilaahay ha idinka abaal mariyo howsha wanaagsan ood umada u haysaan
Title: Re: Su'aal: Madax kala guurka?
Post by: SomaliDoc on November 17, 2019, 12:39:37 PM
Wcs walaal,

1- Calaamadaha lagu garto madax-kala-guurka ka akhriso qoraal aan horay ugu faahfaahinnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3834.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3834.0)

2- Pressure-ka indhaha ku dhaco waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Glucoma", waxa keeno iyo sida loo daaweeyaba ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0)

3- Waxyaabo badan ayay noqon karaa qaabka loo haayo xaaskaaga, waxaa fiicnaan lahayd in la waraysto oo baaritaan loo diro si loo ogaado waxa keeni kara astaamaha ay ka cabanayso ee fadlan dhakhtar u gee.