Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Qaliinka => Topic started by: SomaliDoc on August 28, 2016, 12:42:44 PM

Title: Kuuska Jalaqlayda ka soo baxo (Gaangiliyon)
Post by: SomaliDoc on August 28, 2016, 12:42:44 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ganglion.png)

Bismillah,

Waa cillad ku badan bulshada, ayna isku arkaan dad badan, waa kiish ku jiraan dareere oo ku samaysmo kalagoyska gacanta (Jalaqlayda), si yar ayuu ku bilaaban karaa laakiin wuu waynaan karaa.

Markaa jirka korkiisa laga taabto waxay u egtahay wax kuusan oo adag, laakiin la dhaqdhaqaajin karo.

Alle wuxuu kalagoysyada ugu talagalay dareere, howshoodu tahay inay subkiyaan kalagoysyada si aysan lafaha isku xoqin, dareerihii ama biyihii ayaa booskoodii ka soo baxo oo kuus ahaan u samaysmo, sababta rasmiga ahne lama oga.

Qofkii isku arko cilladaan wuxuu u malaynayaa marka hore in laf ka soo booday kalagoyskiisa, laakin saas ma ahan.

Kuuska gaangiliyon wax dhib ah ma keeno, mana ahan buro ama nabar ama laf booskeedii ka soo baxday ama carjaw meesha ku samaysantay intaba.

Marmarka qaar waxaa la dareemaa xanuun markaa gacanta laabtid ama cadaadis saartid kalagoyska.

Marmarka qaar way iska shuuqdaa ama baaba'daa daawo la'aan inkastoo sanooyin qaadan karto.

Sidee loo daaweeyaa?

Badanaa waxaa daawo la raadsadaa markii ay xanuun keento ama dhaqdhaqaaqa kalagoyska ay xannibto.

Laba siyaabood ayaa loo daaweeyaa:

Cirbad ku soo nuugista waa wax sahlan oo bukaan socod ahaan ayaa laguugu samayn karaa, laakiin badanaa way soo laabataa, inkastoo dhakhaatiirta badalka meesha biyaha laga soo miiray ay ku shubaan daawo kale oo shuuqinayso kuuska.

Midda qalliinka waa in la jeexo maqaarka oo kuuska salka laga soo jaro, tani badanaa ma soo laabato, laakiin waa qalliin oo isbitaalka ayaa lagu jiifinayaa markii laguu samaynayo.

Daaweynta kuuska Gaangiliyon wax dhib ah ma keeno, mana ahan qalliin culus, haddii aysan wax xanuun ah kugu haynin, gacantaada si raaxo leh aad ugu shaqaysan kartid iska hayso inay baaba'do kaligeed ayaa dhici karto.

Akhriso qoraal ku saabsan Kasoobaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1163.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1163.0)
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid ama faahfaahin u baahan ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)