Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on July 30, 2018, 04:48:30 PM

Title: Su'aal: Love hormone?
Post by: Ahmed_Carab on July 30, 2018, 04:48:30 PM
Asc .. dhamaan dhakhaatiirta iyo xubnaha SomaliDoc .. bacda salaam .. waxaan wataa hal su'aal balse shan qeyb leh:-

Goormaa ayaa lasoo daayaa hormone-ka looyaqaano "Oxytocin", ma runbaa in dheecaankaan lasoo daayo xiliga ninka iyo xaaskiisa isu galmoonayaan (xiliga galmada), sidoo kale ma runbaa in hormone-kaan lasoo daayo xiliga haweeneyda ay ilmo dhasho (chilbirth), raga maleeyihiin hormone-kaan mise dumarka keliya ayuu u gaar yahay, mase jirtaa in hormone-kaan daawo ahaan loo helo?

.•. Waxaan rajeenayaa in su'aalahaasi si wacan oo quickly ah leyga soo jawaabo .. thanks.
Title: Re: Su'aal: Love hormone?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2019, 09:27:44 PM
Hormoonka jacaylka waxaa loo yaqaanaa "Oxytocin" waa hormoon la soo daayo badanaa cillada foosha, xilliga naas nuujinta, wuxuu kaluu xiriir la leeyahay, jacaylka, kalsoonida, galmada iyo xiriirka wanaagsan.

Maadaama uu aad u siyaado xilliga hab la isa siinayo ama xilliga galmada, sidaas ayaa loogu magac daray hormoonka jacaylka.

Hormoonkaan waxaa soo daayo qanjir ku yaallo maskaxda, ragguna way leeyihiin, laakiin haweenka ayuu aad ugu badan yahay.

Isagoo daawo ah wuu jiraa, laakiin waxaa loo adeegsadaa foolinta kaliya ee howlo kale looma isticmaaalo, inkastoo cilmibaarayaal ay sheegeen in lagu daaweyn karo xanuunada dhakakaaka iyo mindhicirrada kacsan.

Waa maxay dhakaakuhu?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1052.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1052.0)
Waa maxay mindhicirrada kacsan?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0)