Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saiid6666 on July 24, 2009, 01:54:08 PM

Title: Su'aal: Biyo la'aan xiliga galmada?
Post by: Saiid6666 on July 24, 2009, 01:54:08 PM

وَٱلَّذِى هُوَ يُطۡعِمُنِى وَيَسۡقِينِ (٧٩) وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِين


salaamucalaykum
walaalayaal waxaan qabay cudurka nodular prugo (kurtumaale ) maalin hore waxaa iga soo baxay finan gacnaha iyo lugaha waxaan tagay dhaqtar wuxuuna isiiyay anti biotic amnociiliin iyo floxcilin mudo laba isbuuc ah finankii waa iga dameen laakiin waxaan la kulmay habeenkii markii aan xaaska u tago biyo malihi kacsigayga waa ok laakiin no sperm maxaan sameeyaa maxayse idinla tahay waxani inkasta oo aan isku arka mudo sanad ka hor ah oo ay iga baeen
Title: Re: Su'aal: Biyo la'aan xiliga galmada?
Post by: SomaliDoc on August 09, 2009, 03:56:12 PM
Dhibaatooyinka la xiriira biyo-baxa waxaa ka mid ah:

1- Biyo-bax la'aan (Anejaculation)
Waa marka qanjirka prostate-ka iyo marinnaha manida ay soo tuuri waayaan biyaha.
Biyo-bax la'aanta runta ah saameyn kuma laha dareenka galmada.
Biyo-bax la'aanta waxaa keeni karo:
- Dhaawac gaaray lafdhabarta (xangullaha)
- Dhaawac gaaray dabaqanaanta
- Qalliinnada qaar sida (Colorectal surgery [qalliinka mindhicirka iyo maroorka] iyo Aortoiliac surgery [qalliinka garwadnaha])
- Cudurka xasuus lumiyaha ee parkinson
- Sonkorowga dhalinyarada (Juveline Diabetes)
- Daawooyinka qaar sida: daawooyinka dhiigkarka, Daawooyinka diiqada, Daawooyinka waallida iyo Cabidda aalkoloda.

2- Shahwo la'aan (Anorgasmia)
Waa awood la'aanta in qofku shahwada dareemo (dareenka biyo-baxa oo maqan), waxyaabaha keenana badankood waa dhibaatooyin nafsaani ah (Psychological) sida fakirka iyo welwelka xilliga galmada.

3- Daahidda biyo-baxa (delayed ejaculation)
Daahidda biyo-baxa waxay ka timaadaa dhibaatooyin kala duwan waxaana ka mid ah:
- Dhaawac lafdhabarta ah
- Dhaawac guska ah (dhaawac neerfo)
- Daawooyinka dhiigkarka, waallida iyo niyad-jabka (diiqada)

4- Dib u noqoshada biyaha (Retrograde ejaculation)
Waa in biyaha dib ugu laabtaan kaadi heesta meeshii laga rabay in horay u soo raacaan ibta guska.
Waxaana keeni karo waxyaabahaan soo socda:
- Waxyaabaha keeno biyo-bax la'aanta ee kor ku xusan
- Ibta kaadida oo xiran ama ciriiri ah
- Afka kaadiheysta oo dabacsan ama iin leh
- Qalliinka saarista qanjirka prostate-ka

5- Biyo-bax daciif ah (Asthenic ejaculation)
Waa tabardarri la xiriirta biyo-baxa oo sidii la rabay qofku u tuuri karin, waxaana keena isla dhibaatooyinka biyo bax-la'aanta kor ku xusan iyo ciriiriyowga ibta.
Tani saameyn weyn kuma laha uureynta iyo bacriminta ugxantaba.

6- Biyo-bax degdeg ah (Premature ejaculation)
Waa awood la'aan in qofku sii heyn kari waayo biyaha.
Tani waxay la xiriirta kacsi la'aanta iyo hawlgabka kacsiga waxaana uga hadlay qoraal gooni ah.

7- Biyo-bax xanuun leh (Painful ejaculation)
Waa in qofku dareemo xanuun xilliga biyo-baxa.
Tani waa mid la kasbado oo mid qofku ku dhasho maahan, waxayna ka imaataa in marinka biyaha uu xirmo taas oo ka dhalato caabuqa prostate-ka iyo caabuqa ibta.

Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay waxay la xiriiri karaan waxyaabahaan soo socda:
- Sonkorowga
- Xanuunnada neerfaha
- Shilalka
- Caabuqa saxaaxa iyo kaadi mareenka
- Qalliin hore.

Daaweynta dhibaatooyinkaan waxay ku xirantahay da'da lamaanaha iyo nooca dhibaatadiisa.
Waxaa muhiim ah in la daaweeyo waxyaabaha keeno dhibaatooyinkaan tusaale ahaan cudurrada sonkorowga iyo dhibaatooyinka prostate-ka.

Waxaa kaloo jira daawooyin gaar ah oo la isticmaalo waxaana kula talin lahaa qofkii ka cabanayo mid ka ah dhibaatooyinkaan in uu la xiriiro dhakhtar ku taqasusay arrimahaan si daryeel dhameestiran u helo (haddii talo, daawo ama qalliinba tahay).

Haddii aad qabto su'aal kale oo ku saabsan qoraalkaan isla halkaan ka weydii
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)