Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed naaf on December 27, 2018, 02:30:16 AM

Title: Su'aal: Dhididka gacmaha iyo lugaha?
Post by: Axmed naaf on December 27, 2018, 02:30:16 AM
Asc bahda somalidoc waan idin salaamay marka hore marka xigta digtoore waxaan isku arkaa ilaa yaranteydii dhidid fara badan weliba gacmaha iyo lugaha uun ah oo aan aad uga dhidido hadii aan dareemo huur yar ama kuleel yar mararka qaar anigoon wax kuleel oo saameyn yelan kara jirin ayaan hadana isu arkaa marka digtoore maxaa sawaba dhidikaas mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Dhididka gacmaha iyo lugaha?
Post by: SomaliDoc on May 05, 2019, 11:49:09 AM
Dhididka waxaa soo daayo qanjirro jirka ku firdhisan oo Alle ugu tala galay, dadka qaar qanjirradaasi si xowli ah ayay u shaqeeyaan xaaladaha qaar sida xilliga hurka, xilliga welwelka iyo naxdinta IWM, faahfaahin ku saabsan cilladaan iyo siyaabaha loola tacaalo ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0)