Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on December 25, 2008, 09:02:56 PM
-
(http://somalidoc.com/Topics/halisuur.png)
Haddii aad qabto ama la kulanto mid ka mid ah calaamadahan hoos ku xusan isbitaalka gaar:
Calaamadaha Khatarta" ah waxaa ka mid ah:
- Xanuun joogto ah oo dhabarka hoose ah
- Dhiig ama xinjiro ah oo farjiga ka imaada
- Qoyaan siyaado ah oo hoosta ka yimaado
- Ibida "madheerta" oo buqda ama dillaacda
- Majuujin ama "kor u dhifasho ilmaggaleenka"
- Cunugga oo dhaqaaqiisu yaraado
- Qandho
- Matag iyo/ama shuban isku xig-xiga
- Xanuun markaad kaadshayso
- Suuxdin iyo siririd
- Madax-xanuun joogto ah
- Indho-madoobaad
Halkaan ka akhriso qoraal faahfaahsan oo ka hadlayo astaamaha aan dabiiciga ahayn ee hooyada uurka leh isku aragto iyo siyaabaha loola tacaali karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1203.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1203.0)
Haddii aad qabto su'aal aad doonaysi in aan kaaga jawaabo, halkaan ku soo qor: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)