Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qays on February 12, 2013, 02:23:13 PM

Title: Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?
Post by: Qays on February 12, 2013, 02:23:13 PM
asc dhamaan wan salamaya dhakhatirta marka xiga waxaan jeclaa inaan wax ka fahmo saliida gala sameeyo dhaga yaraha waxa ay jirka u qabato iyo guud ahaan caafimadka bini'adamka iyo sida looga faidesan karo .

waad mahadsan tihiin..
Title: Re: Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?
Post by: SomaliDoc on March 16, 2013, 06:43:22 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhagayare.png)

Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno "cloves", waana miro aad u leh faaidooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar.

Hinidya iyo Shiinaha waxay u adeegsan jireen dhaga yarah 2000 sano ka hor daawaynta afshiirka, waxaana la siin jiray qof walba oo soo booqanayo boqorka si uu afkiisa u carfiyo.

Hadaan u gudbo faaideeda cunno, dhagayaraha waxaa ku jiro protein, birta, kalshiyamka, botasyam, sodyam, fitamiino sida A iyo C.

Dhagayaraha waa xanuun baab'iye aad u fiican waxaana loo adeegsadaa daawaynta ilkaha, sababtane waa saliidda ku dhex jirta ee loo yaqaanno "eugenol oil", waxaana la helaa iyadoo ka samaysan, kareem, daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqdaba.

Faaidada kale waxay tahay in lagu daaweeyo roomaatiisamka iyo riixa iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunyo, haddii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta.
Waxay kaloo faaido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo fangaska galo faraha lugaha dhexdooda.

Faaidada kale waxaa ka mid ah in lagu daaweeyo dheefshiid xumada, shubanka iyo calool majiirka, waxaana ku jirta dhagayaraha maado u eg aashitada caloosha laga helo oo ka qayb qaadato shiididda cunnada iyo la dagaallanka bakteeriyada caloosha.

Faaidada badanaa laga sheekeeyo oo cilmabaarayaasha ay ogaadeen waxay tahay in dhagayaraha la arkay in unugyada kansarka ee ku dhaca sanbabada iyo maqaarka inuu dilo, sidaa awgeedne loo adeegsado ka hortag kansarka labadaas nooc.

Waxaa waa dhawayd lagu daray kansarka calooshane inuu ka hortag fiican u yahay, maadaama cunnooyinka sumaysan oo kansarka u keeni karo caloosha in uu sifeeyo.

Faaidooyin badan oo lagu sheego dhagayarha ayaa jiro waxaana ku soo gabagabeynayaa inuu difaaca jirka sare u qaado, in sonkorta dhiigga hoos u dhigo iyo in dhiig xinjirowga uu ka hortago.

Faaidadaas dhanne waxaa laga helaa saliiddiisa, haddii saliiddiisa oo saafi la helo way fiican tahay laakiin haddii aadan hubin isaga oo sidiisa ah isticmaal.

Akhriso Saliida Qorfaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6735.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6735.0.html)
Akhriso Saliida Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)]
Title: Re: Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?
Post by: Ashom on March 02, 2016, 07:05:06 PM
Thank you so much
Sidee baa ugu  daaweeyn karaa neefta ?
Sidoo kale ma u adeegsan karaa burukeeta Ama sambabada Oo neeftu si  cariiri ah ugA baxeeyso  Taas Oo cod Ka yeeraayo shuux shuux sidii bisada Oo kale u qeeylinaa xiliga neefsashada .thanka
Title: Re: Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?
Post by: SomaliDoc on March 09, 2016, 05:10:20 PM
Dad uumiga saliida dhagayaraha isku qiiqiyo way jiraan si xiiqda ay uga yaraato, laakiin warbixin cilmiyeysan oo arintaas ku saabsan ma hayo.