Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatxifoos on August 17, 2011, 10:04:19 AM

Title: Su'aal: Daawada Dib qalooca?
Post by: Fatxifoos on August 17, 2011, 10:04:19 AM
Asc dhamaantiin. Dhaqtar waxaan doonayaa daawada bi'isa xanuunka qaniinyada dibqalooca ama hangaralaha (scorpion bite) daawadaas haday jirto ma laga heli somalia? Magaca dawada iyo qaabka using-kana noo sheega idinka o mahadsan. Ramadan kariim.
Title: Re: Su'aal: Daawada Dib qalooca?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 03:06:48 PM
daawada lidka sunta bahallada ee loo yaqaanno "Antivenom" waxaa loo adeegsadaa masaska, dibqallooca iyo caarada qatarta ah.

daawadaan waa laga helaa somaliya waxayna taallaa isbitaallada ay maamulaan hay'adaha ku sahqeeyaha gargaarka degdegga ah sida hay'adda MSF.

daawadaan maahan mid laga helo farmashiyaasha, waana daawo halis ah oo qofku u dhiman karo haddii uu san ku qaadan isbitaal, wixii dhib ay keentane laga hortagi karo.

daawadaan xilliga uu bahalka ku qaniino ayay wax tartaa kaliya laakiin bahal horay kuu qaniinay oo dhibaato kugu reebay wax kama tarto.

fadlan ha qaadan daawadaan adigoo takhtar ku siin.
Title: Re: Su'aal: Daawada Dib qalooca?
Post by: CilmiSabca on August 29, 2011, 05:43:35 AM
Asc. Lkn Doctor marka uu qof qaniino dib qalooca madow haddii ay tahay goor habeen ah, Isbitaalkuna uu durugsan yahay, maalinta xigta habeenki bahalku wax qaniinay Isbitaalka ma la tegi karaa? Imisa saac gudahood ayaa loo baahan yahay in dhaqtarka lagu gaadho, ogow meelaha qaarkood amniga dartiis habeenki waa halis kale, sidoo kale ku dar xanuunka bahalkaan isna waa halis. Marka kaniini first aid ah ma jiro miyaa? Ilaahow uu ku qaniinin!. 
Title: Re: Su'aal: Daawada Dib qalooca?
Post by: SomaliDoc on September 06, 2011, 10:21:04 AM
laba goorba hadduu qofku xanuunsanayahay waa in isbitaal la geeyaa hadduu daaho iyo haddii kalaba.

daawada waxterkeeda fiican waa saacadaha ugu horreeya markii dibqallooca ku qaniino.

ma jiro kaniini first aid ah oo loogu tala galay qaniinyada dibqallooca.