Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abaaayo on July 15, 2010, 03:34:51 AM
-
asc dhakhatarada somaliyeed ee noo haya hawsha aadka u muhiimka ah waan idin salaamay dhamaantiin
ale ha idinla garab qabto aamiin aamiin aamiin
walaalo suashaydu waxay tahay inan aan dhalay oo aad u dhuuban ayaan maalin dhawayd Dr geeyey kadib wxay dheheen bahal (gooryaan) aan u naqaan somali hadaynu nahay ayaa ku jira dawooyin 3 wiig ah ayey u soo qoreen markaa 3week kadib ayaan hadana eegaynaa inuu ka dhamday iyo in kale bay dheheen
waxaan ku wyadiin lahaa marka ma kula tahay dhuubnaanteeda inay sabab u tahay bahalkaa caloosha kaga jiraa adiga dhakhtar ahaan qofka bahlka ku jiraa ma dhuubnaan karaa wayo dadka dhan baa i yiri naa gabdha waxay la dhuubantahay waa gooryaane bal ka soo baar isagaa wax la cunee kkkkkkk markaa ka baarayna dee waaba laga helay markaa waan yara shakiyey shuqul ma ku yeelan kartaa dhakhtar haday ku yeelan karto insha'laah dawooyinka markay dhamayso in ay xoogaa jidh yeelato ayana rajayn
tnx walaal jawaab baan kaa sugaya
-
Qasab maahan in inantaada ay caatannimada u keenay gooryaan laakiin waa laga yaabaa haddii ay laheyd calaamadahaan qaar ka mid ah: Cunno xumo, matag, shuban ama saxaro qaabdaran, calool majiir, dibbiro iyo dhiig yari.
Waxaa jira caruur caatannimada iyo cunno yaraanta u dhashay iyadoo wax cudur ah aanan qabin ama goryaan ku jirin.
Haddii inanta ay kuu caafimaaddo, caatannimada ka baxdo waa la oran karaa gooryaan ayaa saa u galay, mideeda kale gooryaan waliba ma keeno caatannimo.
-
Cunno xumo, matag, shuban ama saxaro qaabdaran, calool majiir, dibbiro iyo dhiig yari.
walaalo intaa aad sheegtayba way lahayd cuntada cun markaa tidhaa matag baa i haya ama nafsad uma hayo bay ku oran
-
walaal mid kale ma ii soo faahfaahin kartaa gooryaanka noocyadiisa
waxaadna i tiri gooryaan walba laguma dhuubta oo ma keeno caata nimada keebaaa keena walaal iga soo jaahil bixi
-
Gooryaanno badan ayaa keeni kara dhafaqo darrida waxaana ugu caansan nooca gooryaan jillaabeedka.