Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on January 28, 2010, 07:39:17 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena finan yar yar oo wajiga ka soo baxay?
Post by: Raaliyo on January 28, 2010, 07:39:17 PM
A/S DHAMAAN WALALAHAAY SOOMALIYEED MEEL WALBA AY JOOGAAN  GAAR AHAAN DHAKHTARADA CAWINAYA WALALAHOOD SOOMALIYEE BACDA SALAAN WALAALAYAAL WAXAAN RABAA INAAN WAX KA OGAAD  WAJIGA WIIL WALAALKEEY BAA WAXAA LAGA QABTAY DHINAC BIDIXDA WAJIGAILAA QOORTA DHAFOORKA ISHA  MARGIGA DANBE WAQTI BADAN BUU XANUUNAYEY KA DIB HURDO LAAN BAA KU DHACDAY MA SEEXDO HABEENKII MASKAXDIISA AAD BAY U SHAQAYNAYSAA  WUXUU DHAHAA INDHAHA MARKAAN ISKU QABTO OON DAMCO SEEXO MASKAXDAYDAYDA AAD BAY U SHAQAYNAYSAA KA DIB WAXAABA SOO BAX BAXAY HAL HAL NABAR OO AFKA KA CAD MAALINBA LABA SOO BAXDA ILAA QOORTII IYO WAJIGII WADA FINAN NOQDEEN WAXAY U EEG YIHIIN SIDII BUS BUS OO KALE HADANA MA AHA MARKAA WALALAYAAL MA NOO SHEEGI KARTAAN WAXA AY KA IMADEEN NABRAHAAS TAN KALE WUXUU U TAGAY DHAQATARKIISA WAXAA LO SOO QORAY ANTIBIOTIC LA YIRAAHDO FLUCXCILLIN AFAR XABO MAALINTII NABARIHIINA WAA SII BADANAYAAN MARKAA MANAGA SIIN KARTAAN AKHBAAR WAXA KEENI KARA NABRAHAAS

THANKX AD BAAN IDIINKU MAHAD CELINAYNAA SPECIAL DOCTOR SOMALI.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena finan yar yar oo wajiga ka soo baxay?
Post by: SomaliDoc on February 01, 2010, 09:46:40 PM
Walaalkaa waa inuu u tagtaa dhakhtar ku taqasusay cudurrada maqaarka sida ugu dhakhsiyaha badan
Nabarro wejiga ka soo yaaca waxaa keeni kara waxyaalo badan, mideeda kale cudurada maqaarka waxaa lagu gartaa waa aragti.

Waxaa nabarradaas keeni kara feyras markaasne antibiotic waxba kama tarayaan oo wuxuu u baahanyahay daawo lid-feyrus ah.
Hadii meesha aad ku nooshahay aan laga helin dhakhtar maqaar waad noo soo diri kartaa sawirka wajiga ee nabraha ka soo baxeen.

Mahadsanid
SomaliDoc