Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salmaam on December 11, 2018, 04:33:36 PM

Title: Su'aal: Wax cad cad oo siilka ka soo baxo?
Post by: Salmaam on December 11, 2018, 04:33:36 PM
Dr siilka ayaa Ku arkey wax yar yar oo cad cad sheki weyn I gekiyey uurna ma lihi ilmana waa LA igu qalay xata markaan ka qubeysto shahwada xaajiga

Dr ila tali ciladaas maxay tahay waxaas cad cad oo siilka iga soo bax baxaya
Title: Re: Su'aal: Wax cad cad oo siilka ka soo baxo?
Post by: SomaliDoc on April 07, 2019, 11:41:50 PM
Qoraan cad oo aan uur lahayn oo mararka qaar ka yimaado farjiga weliba galmada ka dib, xilliga caadada soo dhaw dahay iyo markay hooyada nuujinayso waa arrin dabiici ah wax dhib ahne ma lahan, laakiin haddii qoyaankaasi cad leeyahay ur, dhabar xanuune la socdo waxay tilmaan u noqotaa caabuqa uu keeno fangaska loo yaqaano candida, faahfaahinta caabuqaan horay ayaan uga hadalnay ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)