Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on August 06, 2008, 09:22:21 PM

Title: Yirid (Gingivitis)
Post by: SomaliDoc on August 06, 2008, 09:22:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/yirid.png)

Waa maxay Yirid?
Yiridku waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keeno keeno jeermis, Wuxuu yimaadaa marka huuro ay ku buuxsanto inta u dhexeysa ilkaha iyo cirridka. Huuradu "Plaque" waa lakab ilkahaaga ku dhega oo ka yimaada cuntada, jeermiska iyo dheecaanka. Waqti ka dib huurada waxaa ku tarmo jeermis cirridka ku dhaca.
 
Cirridku badanaa kuma dhaawacmo yiridka, laakiin daaweyn ayaa muhiim ah.
Yiridku wuxuu ku badan yahay dadka aan cadayan ama aan xarig isaga nadiifin ilkaha dhexdooda. Haddii aan la daaweynin, jeermisku mar kale ayuu imaanayaa waxaana laga yaabaa in uu keeno cudur cirrid oo daran ama ilkaha oo kaa dhaca.
 
Calaamadaha:
• Cirridka oo guduuta.
• Cirridka oo si fudud dhiig uga yimaado
• Cirridka oo wax bararsan u ekaada ama gadaal uga durka ilkaha.
• Neefta qofka oo urta

Yiridka haddii aan la daaweynin wuxuu keenaa in ilkaha ay soo daataan markii ciridka uu ka durqo.

Yaa halis ugu jiro yiridka?
Waxaa halis ugu jiro dadkaan hoos ku xusan:
• Dadka aana cadaysanin,
• Qofka aan caafimaadka ilkahiisa ku dadaalin,
• Tubaakada isticmaalo
• Dadka da'da ah.
• Dadka difaacooda liito oo qabo xanuunada sida Aydhiska ama Kansarka oo kale.
• Dadka isticmaalo daawooyinka ilkaha u daran
• Qofka qabo xanuunada jeermiska fangaska uu keeno.
• Dadka qabo af-qallaylka.
• Qofkii qabo nafaqo-darro ama fitamiinada ay ku yaryihiin
• Qofka daroogada isticmaalo.
• Qof dhaawac ka gaaray ciridka qalliin ama si kalaba.

Sidee loo daaweeyaa?
Takhtarkaaga ilkaha u tag haddii aad calaamadaha mid ka mid ah isku aragto.
Takhtarkaaga ilkuhu wuxuu nadiifin doonaa isla markaana ilkahaaga ka saari doonaa huurada.

Xanuunka ciridka kaa hayo nooca uu yahay iyo sida loo daaweyn karo ayuu kuu sheegi doonaa.

Daaweyntu waxay ku xiran tahay xanuunkaaga heerka uu gaarsiisan yahay haddii ay daawo ku filan tahay ama qalliin aad u baahan tahay intaba.

Sidee logoa hortagi karaa?
Si yiridka looga hortago, cadayo oo ilkaha dhexdooda dun isaga nadiifi ugu yaraan labo goor maalin kasta si huurada meesha uga saarto inta aysan ku kordhin.

Takhtarkaaga ilkaha u tag 6-dii bilood ee kastaba mar si ilkaha lagaaga hubiyo oo lagaaga nadiifiyo. 

Haddii aad su'aalo caafimaadka ku saabsan qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Salaado cali on March 19, 2015, 12:52:40 PM
Thanks dhaqtar waxaan isku arkaay ilko xanuun markaan dhalay ka dib dhaqtar waan u tagay kaniini ayuu ii soo qoryay waxaba igama tarin
marka waxaa jira labao goos oo i balolsan marka ay i xanuunaan ilkah oo dhan way xanuunayaan gaar ahaan kuwa hoose hilbka ayey iga xanuunayaan waxayna badanaa ugu kacaan markaan basbaas cuno iyo wax kulul ama waxa qaboqw sida barfka iyo shaaha  ilahyga hoosana way durksanyihiin waxa modowna way leeyihin marka maxaan sabayaa ila taliya dhaqatr qayr allah ku siiyey
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: SomaliDoc on March 21, 2015, 05:41:25 PM
Waxaa laga yaabaa in maadada kalsiyam-ka in jirkaaga in ay ku yartahay, badanaa hooyooyinka markay dhalaan oo naasnuujinta billaabaan ayay dareemaan, calaamadaha aad dareemayso, haddii daawada laguu soo qoray ay tahay kaalsiyam ha joojinin ee wad.
Midda kale haddii ilkaha bolol ku jiro, fadlan la xiriir takhtar ilkaha si lagaaga daaweeyo, iyaga laftirkooda way saamayn karaan ciridka.
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Jikaatoos on August 16, 2015, 02:17:30 PM
Asc salan kadib ilkaha oo kalar yeesha yiridku ma keeni karaa    thanks
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: SomaliDoc on August 18, 2015, 01:00:22 PM
Kalarka aad sheegaysid waa noocee? ma suus ahaan madow ilkaha galo mise ilka digirka ama gaduudka ku samayso oo caadiga ah mise kalar kale ayaa ka wadaa? Dhinacee ilkaha kaga suubsan yihin ma jiridka hosoe mise dhexda mise qeybta kore?
Fadlan soo waadixi su'aashaada...

Qoraalkaan akhriso waa laga yaabaa in su'aashaada uu ka jawaabo, waa qoraal ku saabsan bololka, suuska iyo midabka ilkaha fuulo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Jikaatoos on October 02, 2015, 04:46:31 PM
Walal hadan su'aasheyda hore kuu faafaahiyo kalarka wuxuu ku sameysmaa ilka qeybtooda hoose gaar ahaan gaybaha gudaha ah meeshooda ma dhaafaan muddo 5 sano ka hor ah      Thnks walaal
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: SomaliDoc on October 16, 2015, 11:26:06 AM
Ilkaha oo midab yeesha wuu keeni karaa yiridka ama cudurka oo jirado, khaas ahaan meesha iligu uu ka galo ciridka.
Waxaa dhacda marmarka qaar in infekshanka uu istaago oo ciridka caafimaad helo, laakiin midabkii iliga ku samaysmay inuu raago.
Wixii faahfaahin intaa dheer la xiriir dhakthar ilkaha ku takhasusay.
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Jaamac123 on January 10, 2016, 03:26:36 PM
Aad  iyo aad ayaad umahadsntihin somalidocrs  jwb dhamaystiran ayaad igasiiseen su'aalahaygii waxbadan baana iigabaxay jwbtii aad igasiiseen inta aanan lakulmin doctor ilkaha dhiiga wxaan kulasii tacaalikaro majiraan cadayga madaan kucadaydo dhiigu intii waa kabadana yaa ciridkuna waa siiqodmayaa waa uukasii durkayaa meeshii hore maxaan siimayn karaa intanan gaarin doctorka colgate baan iskudayey inaan kucadaydo waa kasii siyaaday
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 21, 2017, 04:26:19 PM
Asc... Doc, adigoo mahadsan baan jaclaan lahaa in fursaddaan kaga faa'ideysto arrimaha la xariiro, Doc waxan arkaa wayahan dad badan siiba Dumarka oo ilkahood wax jirro ah, aysan qabin mise ku xir-xira Katiin ama (chain Tooth) ayagoo leh " ilkaha oo kala duragsan baan isku keenaynaa) sidaa darteeda, Doc, inta uu ku xiranyahay katiinka ilkuhu baan qaar ka dareemay ilkaha oo ka qurmo, kalka awal ka ahayeen kuwa badqaba, hase'ahaatee, Doc kawarn saameenta ay keeni karto ilkaha oo lisku soo dhaweeyo caafimaad ahaan ay ka dhalankarta ayadoo la adeegsanayo Habkas?
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Cayuush Omer on December 01, 2018, 07:38:39 AM
assalamu alikum ... wll maxaa ka mid ah dawooyinka ilkaha u daran?

????? ????