Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilkacase19 on January 15, 2017, 12:27:32 AM

Title: Su'aal: Garaamka Sharoobad Qandhada?
Post by: Ilkacase19 on January 15, 2017, 12:27:32 AM
Asc dhakhtar. Salaan kadib waxaan idin waydin lahaa su'aal ku saabsan sharoobo qandho oo ilma hal bil jira loosoo qoray.

Ilma yar oo hal bil jira ayaa waxaan gaynay dhakhtar caruur wuxuuna usoo qoray sharoobo qandho 125 mg ah maalintii saddex jeer min 3cc. Wiilkii farmashiga joogay ayaa hooyadii ilmaha ula tagtay warqadii dhakhtarka wuxuuna soo siiyay sharoobo qandho 250 mg ah kuna yiri maalintii saddex jeer min 3cc sii. Sidii ayay hooyadii samaysay waana ay ku dhamaysay sharoobadi ilmihii yaraa ee halka bil jiray.

Marka su'aashaydu waxaa waaye maadaama ilmaha la siiyay laba jibaar garaamkii loo qoray maxay saamayn ah oo ku yeelan kartaa caafimaadka ilmaha?

Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Garaamka Sharoobad Qandhada?
Post by: SomaliDoc on April 19, 2017, 07:05:54 PM
Sharoobada qandhada haddii ay tahay nooca "paracetamol"-ka ah, waxay dhib u keeni kartaa beerka, haddii ay tahay nooca "Ibuprofen", xuubka caloosha ayay dhaawac u yeeli kartaa.

Waxaa kaloo dhici karta in waxyeello "side effects" aan la dareemin, waxayna ku xiran tahay miisaanka cunuga, awoodda daawada, iyo waqtiga daawada ay jirka ku jirtay "T1/2", waxaa jiro waxyaabo badan oo la fiiriyo markii laga hadlaayo sumoobidda daawooyinka.

Marka haddii aan wax dhibaato ah cunugga lagu arkin, in dhib aysan u gaysan ka soo qaad.