Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashwaaqa on June 17, 2017, 02:56:42 PM

Title: Su'aal: Bahalka dabada ka galo ciyaalka?
Post by: Ashwaaqa on June 17, 2017, 02:56:42 PM
asc doctor waxaa rabay inaa wax macluumaad ah ka ogaado wiil aan dhalay oo shan jir ah ayaa dabada cuncuntaa waxaa siiyay dawada mebendazole lkn marwalbs la siyo waxba ka tarayso wax lagu ciribtiri karo ma jirtaa bahalkas dabada galo dhakhtar waa u geeyay taas kaliya ii soo qoray. waxaa kaloo rabay inaa ogaado in ciyalka kale uu gudbin karo sideese looga hor tagaa waa mahadsan tahay.
Title: Re: Su'aal: Bahalka dabada ka galo ciyaalka?
Post by: Kaltuun on June 30, 2017, 11:29:03 AM
asc abaayo adoo raaliya inyar hadaan kaga waramo dixriga cadcad ee dadka dabada ka cuncuna ciyaal iyo dad waawaynba waa ka cuncunaa anigayga waa qabay lkn alxmdulilaaah hada waaka roonahay waxaan isticmaalay barida idaha ban farta mariyey dabadeed dabada iska galiyey malawadka yaci ban mariyey dib uma arkin wlhi asago haben kasta nafta iikeenay waka raystay hada hadaa somalia joogtid waa caadi waa helaysaa cunaga ushiil habeenki dabada ugu subki dhakhtarkana waaka sugaa commentigyga dr kawaran fikirkygan ku fiicnaaday.
Title: Re: Su'aal: Bahalka dabada ka galo ciyaalka?
Post by: SomaliDoc on April 22, 2018, 01:45:37 PM
Waxaa loo yaqaanaa Shoqol, Idiinyo, Dire and Dixri caanood, ka akhriso casharkaan waxa uu yahay, waxa keeno iyo siyaabaha loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4410.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4410.0)

Waa sax, Sida Kaltuun isku daaweysay, Baridu waa daawo la hubo oo xanuunkaan loo isticmaalo, caruurtuna way kala qaadi karaan.