Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Yusuf on January 01, 2013, 03:37:49 AM
-
ASC wan idin salaamayaa dhaan dhaqaatiirta waxan rabaa inaan idin waydiiyo hal su,aal oo ah
timirta gaaska ma kicisaa markaan cuno timirta ayaan dareemaa gaas daran iyo laabjeex badan dad ayaa igu dhahay timirtu gaas ka ayey kicisaa iyo sidoo kale shaaha aan cadeysneeyn macnaha caalo laheen ee ah bigeyska asna gaaska ma kiciyaa?
alle ha idin xafido dhamaan dhaqaatiirta.
-
Dadka gaaska qaba way ku kala duwan yihiin waxyaabaha ku kiciyo, way jiraan dad ku kiciso timirta iyo shaaha bigeyska, qofkii garanayo cunnada uu dhibsado oo gaaska ku kiciso waa in uu ka fogaadaa ama iska ilaaliyaa, mida kale timirtu way noocyo badan thay ee nooc kasta in aysan kugu kicin ayaa laga yaabaa.