Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tuuraq on March 15, 2011, 09:09:32 PM

Title: Su'aal: Xanuun mudo 5 bilood ah oo iga haya duunta?
Post by: Tuuraq on March 15, 2011, 09:09:32 PM
Asc walal salan kadib walal waxan dareemayaa xanuun mudo 5bilood ah oo iga haya duunta . Waxaan ixanuuneyso walal dhunta gudaheeda ilaa afka iyo carabka marka an cabo biyo qabow ah waxan daremaya xanuun iyo qufac iyo riiraxyo .mida kale carabka gadashiisa waxaa iga soo baxay buur buur ama nabaro aad moodo iney biyo ku jiraan .marka walal dhaqtar ayan utagay  wuxuna ii soo qoray daawo . Walina waxba iskagama garan .marka walal waxan karabaa talo wanaagsan.mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xanuun mudo 5 bilood ah oo iga haya duunta?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2011, 10:59:40 PM
Nabro biyo ku jiraan oo ka soo baxa carabka gadaashiisa waxaa keeni kara cudurro badan oo ay mid yihiin:
1- Vitamin B Complex oo jirka ku yaraado
2- Caabuqa Fayraska ee Herpes Simplex
3- Caabuqa cuno xanuunka
4- Quumanka.
5- Xasaasiyad aad ka qaaday daawo ama cunno
5- Caabuq ku dhacay hunguri mareenka oo ku soo faafay afka sida cabeebka ama nabarrada laab-jeexa.

Si loo ogaado waxa aad ka cabanayso waa in la arakaa nabarrada kugu yaallo noocooda iyo qaabka ay u soo baxeen, sidaa darteed waxaa ku gula talinayaa in aad la xiriirted takhtar ku taqasusay dhegaha, sanka iyo cunaha (E.N.T) Specialist.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cuno-xanuunka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,504.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,504.0.html)
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabasan caabuqa quumanka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html)

Haddii aad noo sheegtid cudurka uu takhtarka kuugu sheegay iyo daawada uu kuu qorayba waan kaa siin karnaa fikrad.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waa na soo weydiin kartaa
Title: Faah faahin jawab celin
Post by: Tuuraq on March 18, 2011, 10:18:27 PM
Asc walal  aad iyo aad ayaad umahadsantahay. Mida kale walal dhaqtarka aan utagay waxa uu ahaa dhaqatar ajinabi ah marka waxa uu idhahay oo kaliya waxad qabtaa  infection ku dhaca dhuunta. Marka waxa uu ii soo qoray daawoyin sharobo afka la isaga bufinaa iyo kaniiniyal marka waa kun magacyadoodii .1:med-keel A oo ah sharobo throat spray afka la isaga bufinaa.   2. co-amoxiclav 375mg oo kaniini         3: austell cetirizine 10mg. Dhinaca kale walal aniga calamadaha xanunkeyga waxaa kamid ah walal marka aan cabo biyo qabow ah waxan dareemaa habeenkii oo kale neefta ayaa igu xirmeysa . Tankale carabka gadashisa iyo dhanxanaga waa guduud buur buur ayaa iga soo baxay qaar cad cadyihin qaarna ay gudud yihin  sido kale waxaa ixanuunaya margiyada iyo xididada iyo qoorta iyo gudaha dhuunta waxadna moodaa in xanuunku igu xumaday oo aan mudo qabay marka walal mahadsanid   
Title: Re: Su'aal: Xanuun mudo 5 bilood ah oo iga haya duunta?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2011, 09:27:53 PM
Waxaan ka fahmayaa daawooyinka laguu qoray in aad ka cabanaysid caabuq cuno xanuun taasoo ka dhashay bakteeriyo.
daawada buufiska waa jeermis dile afka lagu buufsado markii cuno xanuun khafiif ah uu jiro.
Amoxclav waa daawo antibiotic ah oo bakteeriyada in ay la dagaallanto ayaa laguugu qoray.
Daawada Cetirizine waa daawo lid xasaasiyad oo loogu talagalay hawo mareenka.

haddii daawooyinkaas wax kaa tari waayeen waxaan kugula talin lahaa in la beero bakteeriyada cunaha kaa heyso si loo ogaado daawada wax kaa tari karto maadaama 5 bilood oo muddo badan ah aad xanuunsantahay.

Takhtarka aad u tagtayne hubi in uu yahay E.N.T specialist ajnabi ha ahaado ama yuusan ahaaninba.
Title: Re: Su'aal: Xanuun mudo 5 bilood ah oo iga haya duunta?
Post by: Beydan on March 21, 2011, 01:40:47 AM
Haddii aan ku darsado fikrad arrintan qofkan walalkayaga ah ee xanuunka ka qaba afka quumanka iyo ciridka dhanganaxa ama top palet waxaan jeclaan lahaa in la beero oo laga qaado swabs ama sami dheecan laga qaado afka si loo beero, dhaqtarka ENT ama cudurada guud ayaa baritaan ka qaadi kara waxaanse u maleynaya inay tahay bakteeriyo oo ah mida afka, dhuunta gala oo loo yaqaan in English Streptococcus micro organism waa noole yar oo aan isha caadiga ah lagu arki karin ilaa la isticmaalo weyneysada ama electron microscope. Haddiiba ay dhibaatadu tahay bakteriyadan waxa lagu daweyn kara antibiotic laakiin marka hore in la hubiyo ayaa loo baahan yahay. Astaamaha ama calamadaha waa xumad ama qandho iyo qofka oo afka marka uu wax laqayo xanuun dareema iyo halka quumanka oo aad u guduud iyo cagar noqda waxa kale oo jira inuu qofku neeftiisu ur keeno cuduro kale na wey keenan sida thrush waa jira laakinse walal dhaqtarkaaga ka codso inuu beero sida walalkey uu kula taliyey.
waxaan kuu rajeynaya caafimaad deg dega insha allah