Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Filsan Ali on April 27, 2011, 09:59:55 PM

Title: Su'aal: Xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka dareemi karaa?
Post by: Filsan Ali on April 27, 2011, 09:59:55 PM
ASC, dr.z waxaan jeclan laha inaan ogado su'ashan:

1)xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka daree mi karaa?
2)xameytada dhagaxaan iney galan maxaa keni kara.
3) hadi dhagaxan oo doctor kaa shego dhawadiisa qaliin mahane dawa kale ma leeyahay?

mahdsanid :) :)
Title: Re: Su'aal: Xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka dareemi karaa?
Post by: Drkheyre on April 28, 2011, 11:11:49 AM
(http://somalidoc.com/Topics/xameeti.png)

Fadlan inta aadan aqrin ka hor hoos ka eeg ereybixinta Bile, Bilirubin, cholostrol.

Wacaleykum Wa salaam.

Walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay midmid hadaan ugu jawaabo su'aalahaaga.

Hadii aan ku hormarno su'aasha kowaad oo aheyd "xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka daree mi karaa"?.
Dadka badanaa oo Xameetidooda dhagxaan gala ma jirto calaamado ka muuqda ama ee dareemaan mana ku baraarugsano in xameetidooda dhagax ku jira, dadkaasi dhagaxaan inuu ku jiro waxaa la ogaadaa markii xaaladooda caafimaad la ogaanayo tusaale ahaan marka kompuyuutarka iyo raajada caloosha la saraayo.
Calaamadaha cudurka waxay soo muuqdaan sanado ka dib ee calaamado la'aan yihiin waliba wax ka badan muddo 5 sano ah, 10% dadka calaamadahaas aan ka muuqan mustaqbalka ayuu ka muuqanayaan.

hadaba calaamadaha ugu badan ee lagu arko dadka xameetiga dhagaxa ugu jira waxaa ka mid ah:
1. Dheefshiid xumo (dyspepsia) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html), Daaco (belching, and flatulence), Matag iyo lalabo (nause and vomitng), Dulqaad l'aan cuntada duxda leh (intolerance to fatty foods).
2. Calaamada ugu badan oo la arko waa xanuun loo yaqaano Biliary colic pain waxuuna caan ku yahay:
   a). xanuun daran oo joogta ah hadane badanaa 80% lagu arko dadka xameetida dhagaxaan ugu jiraan.
   b). xanuunkaas waxuu soconayaa mudoo 15 daqiiqo ah ilaa 4-5 saac haduu wax ka badan 5 saac socda waa dhib badnaan.
   c). badana xanuunkaas waxaa laga dareemaa meesha dhaxe ee qeybta sare uurkujirta (abdomen) dhinca hoose ee lafta kala qeybisa xabadka oo loo yaqaano sternum.
   d). meesha labaad ee laga dareemo waa dhinaca midig ee qeybta sare uurkujirta (abdomen) hoos geeska feeraha, ugu dambeyntii xanuunkaas mararka qaarkood meelo kale duwan laga dareemaa.

Hadii aan u soo laabto su'aasha labaad "xameytada dhagaxaan iney galan maxaa keni kara".
Xameetida dhagaxaan in ee galaan waxaa sababa markuu dhecaanka bile sameeyo waxyaalo adgo ah sida dhagaxa xameetida gudaheeda. dhagxaantaas waxaa sababa marka tirada walxaha la yiraahdo cholestrol ama bilirubin ee dhecaanga bile gudihiisa aad u kordhaan, qaar ka mid daawooyinga wee sababaan laakiin waa tiro aad u yar.

Su'ashaad 3aad oo ah "hadi dhagaxan oo doctor kaa shego dhawadiisa qaliin mahane dawa kale ma leeyahay?"
Haduu xameetida dhagaxa ku jira yahay mid aamusan macnaha wax calaamad ah uu bukaanga ka muuqan uma baahna qaliin lakiin haduu bukaanka calaamadaha ka muuqdaan ama dhib-badnaan (complication) ee jirto taasi caadiyan waxaa lagu daaweeyaa qaliinka Saarista Xameetida (cholecystectomy).

Halkaan ka Eeg Qaliinka Saarista Xameetida (cholecystectomy).
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html)
Halkaan ka akhriso Caabuqa Xameetida (Cholecystitis)
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html)

Bile: waa dhecaan jaale-cagaar ah kasoo sameeya beerka, laguna keediyo xameetida.
Bilirubin: waa jaale-orangi isku jir loona soosaaro burburinta maada loo yaqaano hemoglobin ee unugyada cas cas dhiiga.
Cholesterol: waa maado sida duxda camal ah dhabiiciyan laga helo gudaha darbiga unuga iyo xuubabka oo meelkasta jika ah.

By Drkheyre
Title: Re: Su'aal: Xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka dareemi karaa?
Post by: Filsan Ali on May 01, 2011, 09:49:05 PM
masha allah,aad ayaad u mahsan tahay jawabtada fasiixa ah mar labad mahasanid walal