Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan-Deeq on January 10, 2012, 05:37:54 AM

Title: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: Hassan-Deeq on January 10, 2012, 05:37:54 AM
Asc wr wb dhamaan howl wadeenada websiteka somalidoc.com iyo dhamaan shacab weynaha somaliyed ee ku xiranba
Salaan kadib waxaan rabaa in aan waydiiyo doctorska sharafta badan jirooyinka laga dhaxli karo computerka oo waqti badan la dulfadhiyo sida aan ognahay dad badan ayaa waqti badan ku lumiyo dul fadhiga aalada internetka ama isticmaalka computerka oo ay ku noqotaa balwad uusan qofku iska goyn karin aakhirkana laga yaabo in uu ka dhaxlo cuduro halistooda sidee ugu sahlan oo loga hortagi karaa inuusan balwad kugu noqon maxaase laga dhaxli karaa hadii uu balwad kugu noqdo sc wr wb ?
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2012, 02:12:34 PM
Computerka oo in muddo ah la hor fadhiyo wuxuu dhaawc gaarsiin karaa aragga oo wuxuu keenaa cudur loo yaqaanno "Computer Vision Syndrome", halkaan ka akhriso su'aal hore: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3453.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3453.0.html)

Wuxuu kaloo dhaawac gaarsin karaa lafdhabartaada haddii si qaab darro u fadhisid muddo dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4526.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4526.0.html)

Wuxuu kaloo dhaawac gaarsiin karaa qaab fakarka maskaxda iyo diiraad saaridda waa haddii aad in muddo ah aadan hurdin.

Computerka maahan aalad laga maarmi karo laakiin waxay  u baahantahay in la xadido isticmaalkiisa si uusan dhibaato kuu gaarsiinin.
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: CMD Adde on February 19, 2012, 12:34:18 AM
Asc,

Waxaan Ugu Horeyn Salaamaya Dhaqaatiirta Sharafta Leh Ee Isu Xilqamay Si Bilaah Ah Wax U Qabadka Umadeena Aadbaana Ugu Mahadsantihiin Caawinta Aan Laso Kobi Karin
Allahna Ajir Ha'idinka Siiyo,

Hadii Aan U Gudbo Point-ga Ii Muhiimka Ah Ee Uu Dhaqtarku Soo Qoray Ee Ah ==> ( Wuxuu kaloo dhaawac gaarsiin karaa qaab fakarka maskaxda iyo diiraad saaridda waa haddii aad in muddo ah aadan hurdin )
Xaqiiqatan Arrintaas Iyada Ah Ayaa I Haaysato Hadda , Oo Aan xitaa Si Private Ah Messeg Kugu Soo Diray Iyadoo Aan Sida La Rabo U Sharxi Kari Wayey Balse Si Muhiimadeeda Leh Aad adiga Uga Dhawaajisay,
Dr- 5 Years Computerka howlihiisa iyo ku dhafridiisa dhexda ayaan uga jiray , ilaa iyo hadana waan ku jiraaa, Balse Hada Kuma Dhafro
Marka Sideen Uga Soo Kaban Karaa Saameyntaas Uu Horay Iigu Geystay ? Ee Aad Qaarkood Adiga Ka Dhawaajisay !!!!!

Waxaan Rajeeynayaa Inaad Si Fiican Iigu Dhago Nuglaan Doonto,

Aad Baad U Mahadsantahay
          *
Allah Mahad Iskaleh.
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 05:10:23 PM
Haddii aad ku walfaddii komputerka iska joojisay, waxaan rajaynayaa in aad caafimaadkaagii hore soo ceshan doontid inkastoo waqti ay qaadan karto maxaayeelay badanaa maskaxda haddii la saaro stress badan sida nooca aad ka dhawaajisay oo kale waxay hawlgabiyaan unugyada maskaxda qaar ka mid ah "Neurons", in unugyadaas ay shaqadoodii dib u billaabaan kaliya ayay ku xiran tahay in aad sidaadii hore ku laabatid.

Inta ka horreeyso ku adkayso go'aankaagii ahaa in aad ku dhafridda kumbuyuutarka aad joojisid, haddii aad saacad ama laba saac xiriir ah aad dul fadhiso in aad ka istaagto oo 20 daqiiqo u soo nasato ku dadaal.

Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad badan.
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: CMD Adde on March 11, 2012, 08:29:05 PM
Aad Baad U Mahadsantahay Dre,

Aad Baana U Jeclaan Lahaa Inaad Ii Sii Tilmaanto Hadii Eey Jiraan Qaar Cuntada Ka Mid Ah Oo Ka Qeyb Qaata Kobcinta "Neurons"ka,

Allah Macaak Mar Waliba.

Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 07:50:06 PM
Cuntada maskaxda iyo kobcinta unguyada neerfaha u roon waxaa ka mid ah:

1- Qudaarta iyo fawaakihda sida karootada, ananaaska iyo cinabka.
2- Proteinska sida hilibka, kalluunka, lowska iyo beerka.
3- Saliidaha fiican sida saliida lawska, saliida zaytuunka iyo saliida kaluunka.
4- Oksajiinka wuxuu muhiim u yahay kobcinta maskaxda cunnooyinka oksajiinka gaarsiiyo maskaxda waxaa ka mid ah basasha, baradhada iyo nacnaaca.
5- Cabidda biyaha ha isku yaraynin
6- Fitamiinnada iyo macaadinta sida fitamiinka A, C iyo E waa fitamiinno jirka ka saaro sunta.
Macaadinta kale oo maskaxda muhiimka ah waxaa ka mid ah Birta, Kalsiyamka, Zinkiga iyo Kopperka. waxaana laga wada helaa, hilibka, ukunta, beerka, kaluunka iyo xubuubka sida digirta.
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: CMD Adde on May 31, 2012, 08:08:08 PM
Aad Baad u Mahadsantahay Doctor

Jazakallah

Talooyinkaagi Waan raacay Alxamdulilaah Hadda Xoogaa Waan Caafimaad Qabaa Balse , waxaan dareemayaa, inaan mar waliba ka daalanahay indhaha, iyo indhaha oo i qalalan weeyna iska gaduudanyihiin , inta badan, Marka Arrintaas Iyadana Ma'iga Caawin Kartaa, waana ku Mahadsanid Dr, Talooyinkaaga Waxtarka Leh,



Allah Macaak
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: SomaliDoc on June 04, 2012, 08:33:15 PM
Arrintaas waxaa habboon in aad kala xiriirtid takhtar indhaha ku taqasusay si laguu baaro.
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Post by: CMD on December 10, 2013, 07:14:30 PM
Aad Baad U Mahadsantahay Dre, Wallow Aan Jawapta Mahad Celinta Lasoo Daahay, Tan Kale Sidaad Sheegtayba ( waxaan rajaynayaa in aad caafimaadkaagii hore soo ceshan doontid inkastoo waqti ay qaadan karto ) Waxaan Ku adkeydstay In Muddo Ah Qowlkaagi Ama Hadalkaagaas, Iyadoo Aan Dareemayo Waxoogaa Inaan Sidii Hore Ka Roonahay 100%, Inta Dhimana Waxan Rajeynayaa Inaan Heli Doono Insha'alh Mana Garan Karo Sidaan Idiinkugu Mahad Celiyo, Balse Allah Ha Idiin Naxariisto Ayaan Idiin Leeyahay , Anne Mar Inta Dhiman Hadii Eey Ii Dhameystiranto Insha'alah Kuma Noqon Doono Sidii Hore Mar Kale Insha'alah, Mahadsanidiin Mahadsanidiin Mahadsanidiin Dhaqaatiirta Sharafta Leh.

FG: Wax Waliba Waxaa Iiga Muhiimsan Waan Is Fahmi Waayey ! ! !, Fikirka Aad Isiiseen Iyo Marxaladi Aan Ku  Jiray Iyo Waxa U Sababta Ahaa, Markaan Intaas Gartey Waxaa Iga Dagay WalWalkii, Waxan Go'aan Saday Inan Dhaqaatiirba U Tagin Anne.
Ugu Dambeyn: 2 Sano Kadib Hadda Ayaan Hurdada HelHelayaa!! Cuntadiina Si Fiican Iigu FuranTay Weliba Isbadal Guud Dareemayaa Alxamdulillaah.

Allah Macaakum

CMD.