Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: Admin on January 31, 2007, 03:12:15 PM

Title: Malaariyada (Duumada)
Post by: Admin on January 31, 2007, 03:12:15 PM
Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis ay u yaqaanaan!

Waa maxay duumadu ama malaariyada?  
Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qando, ama xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, Matag iyo calaamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuna tagaa beerka si uu ugu tarmo.
Marku ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo taabtaan dhiigga si ay cudurka u bilaabaan laba todobaad ka dib. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri kara beerka muddo aad u dheer.

Maxay malaariyadu u tahay cudur halis ah?
Ma jiro talaal lagaga hortago malaariyada.
Waxay sababtaa duumadu xanuun xun oo keeni kara dhimasho.
Waxay kugu dili kartaa 12 saac gudohood.
Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaalisid qaniinka kaneecada isla markaasna aad liqdid dawada ka hortagga malaariyada.

Haadii ay malaariyo kugu dhacday, mar hore ma leedahay difaac?
Dadka ay duumadu ku dacdo marar badan waxay yeeshaan difaac jir oo aan dhamayn, laakin difaacu waqti yar ka dib ayuu ku tagaa.
Inta badan I ilaa 2 sano guduhood ayaad la mid noqon kartaa qofka aanay hore ugu dhicin duumo.
Markaa uma lihid difaac, xataa hadii ay waayo hore kugu dhacday duumo.

Sidee looga hortagaa?
Ka hortagga duumada ama kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa duumada iyo cudurada kale ee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan “Japanese encephalitis” iyo xumadda dengue. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan.
Samee arrimahan ka hortagga ah.
Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, qaboojiyaha guryaha wuxu eryaa kaneecada.
Seexo guri ku leh shebeg dariishadaha ama daaqadaha.
Seexo sariir leh mara kaneeco.
Waxa jira mara kaneeco leh maadad disha kaneecada.
Waxad adigu ku buufin kartaa marada kaneecadda dawooyin sida PERMETHRIN.
waxad iibsan kartaa maro kaneeco ama teendo kaneeco (sansayeeri).
Waxa muhiim ah inaad iibsato maadooyinka la buufiyo ee erya kaneecada sida “DEET”, gaar ahaan kuwa leh “25%-50% DEET.” (PIFPAFta)

Maxaan Dawo ah oo kaneeco ka hortaggeeda u Qaataa?  
Waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqayso. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada.
Fadlan dawada u qaado sida loo qoray.

Dr.Mahdi
Title: Re: Malaariyada (Duumada)
Post by: Abdisalamali on February 04, 2017, 12:04:17 PM
dr malaariya ayaaaa igu dhacday waxaan ka qaatay daawada quinine oo faleembo ah hada qadashadeda waxa ka danbaysay asbuuc runtii wali waxaan isku hayaa qandho daal fara badan qoor xanuun iyo wareer
suaashaydu marka waxay thay hadii qofku uu qaato daawada bahashu ma baxayso miyaaa hadiise aanay baxayn wakhti intee leeg bay kusii jirtaaaa?
mahadsanid dr