Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmedshawky on December 29, 2015, 04:27:42 AM

Title: Su'aal: Maxaa keena in madaxu ku xanuuno markaad seexato?
Post by: Ahmedshawky on December 29, 2015, 04:27:42 AM
Maxaa keena  in madaxu ku xanuuno markaad seexato, oo hadba labada dhafoor dhinacaad jiifka ku raajisid uu ku xanuuno. Balse inta kale madaxu aanu ku xanuunay? Oo marka dhinacasi ku xanuuno aadan awoodi karin inad u jiifsatid.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena in madaxu ku xanuuno markaad seexato?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2016, 02:33:06 PM
Madax xanuunku illaa goorma ayuu ku hayaa?
Da'daadu waa meeqa?
Xanuunku ma waxuu yimaadaa isla markii aad dhinac dhulka dhigtid mise wuu kaa toosiyaa hurdada?
Wax xanuuno aad isku ogtahay, daawo aad qaadatid iyo haddii aad balwad leedahay intaba noo sheeg?

Madax xanuunku wuxuu noqon karaa mid sidiisa u yimaado ama mid xanuuno kale astaan u noqon kara, ee fadlan ka soo jawaab su'aalahaas hore.
Akhriso qoraal ku saabsan noocyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)