Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wadaniyada on May 25, 2009, 12:23:22 PM
-
asc walaal
walaal waan idin salaamay baacda salaan waxaan rabaa inaad iga jawaabtaan ssuashan idinkoo mahadsan
walaloyaal maxaa lagu daaweeyaa ilowshaha ama qalbi camada
waayo ilowshiyahygaa aad u badan
maxaa keena maxaa u sababa maxaase dawadiisa ah walaaloyaal
jawaab wanaagsan ayaan idinka sugayaa insha'laah
waad mahadsantihiin
w/w//w
-
Ilowga ama hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid yahay.
Hilmaanka waxuu noqon karaa wax iska caadi ah oo muddo gaaban heyn karo qofka iyadoo ka imaan karo xaaladda uu ku suganyahay markaa sida "Diiqada" oo kale.
Hilmaanka & Ilowga wuxuu noqdaa cudur markii qofku uu la kulmo dhibaatoo caafimaadeed sida cudurrada "Parkinson's iyo Alzheimer's".
Ilowshaha wuxuu ku bilaaban karaa qofka dhibaato jug ah oo qofka dhinaca maskaxda ka soo gaarto ama dhibaato xag nafsaani ah.
Marka si loo ogaado dhibaatada heyso qofka nooceeda iyo heerka ay gaarsiisantahay waxaa loo baahanyahay wareysi iyo baaritaan dheeraad ah.
SomaliDoc