Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saiid6666 on January 15, 2009, 08:35:27 PM

Title: Waa maxay cudurka (Prurigo Nodularis)?
Post by: Saiid6666 on January 15, 2009, 08:35:27 PM
waxaan rabaa in aan ogaado cudurkan somali ahaan magaciisa waxa lagu daaweeyo waxyaabaha keena iyo halisahaan inta uu gaarsiisanyahay mahadsanidiin
Title: Re: Waa maxay cudurka (Prurigo Nodularis)?
Post by: SomaliDoc on January 15, 2009, 10:38:22 PM
(http://www.skincareguide.ca/images/glossary/prurigo_nodularis.jpg)Prurigo Nodularis waa cudur jiritaankiisa la ogaaday sanadkii 1909-kii oo hadda laga joogo muddo 100 sano.

Waa cudur ku dhaco oogada kuna caan baxay cuncun aad u daran iyo dhabro kuuskuusan oo korka ka soo yaaco sida ka muuqato magaca cdurka oo ah "Prurigo = Pruritus = Cuncun iyo Nodularis = Nodules = Kurtumo" oo haddii afsoomaali loo macneeyo uu noqonayo "kurtomo cuncunle"

Waxaa cudurkaan loo yaqaannaa afka english magacyo kale oo ah:
Hyde prurigo nodularis (Hyde oo ah ninka ogaaday jiritaanka cudurkaan)
Picker nodules
Lichen simplex chronicus
Neurodermatitis circumscripta
Lichen corneus obtusus

Xoqidda badan ayaa korka ka dhigto mid adaga oo qolfo leh.

Kurtumaha ka soo baxo oogada ayaa ah kuwa kala duruqsan una siman jirka labadiisa dhinac, midabkooduna ka sarreeyo kan maqaarka.
Kurtumaha waxay ka soo bixi karaan jirka oo dhan lakiin badanaa waxay ka billawdaan lugaha iyo gacmaha.

Kurtumaha way dillaaci karaan iyagoo dheecaan sii daaya una ekaadaan nabro.

Kurtumaha waxay jirka ka soo bixi karaan xoqid la'aan ama ka horba cuncunka.

Maxaa keeno "Kurtumo Cuncunle"?
Lama yaqaanno waxa keeno cudurkaan inakstoo ay jiraan aragtiyo dhawr ah oo aan ku dhisneen xaqiiqo toona.

Qaabkee cudurka u saameeyaa oogada?
Xoqidda oogada ee raagtay ayaa ka dhigto mid adag, qalfoof leh, midabkane madoobaado.

Sidee lagu ogaadaa cudurkaan?
Cudurkaan waxaa lagu gartaa arkid kaliya iyo cuncunka.
waa dhici kartaa in cad laga qaado maqaarka si cudurro kale looga sooco

Maxaa daawo u ah cudurkaan?
Cudurkaan waa dhib in daaweyntiisa 100% lagu guuleysto laakiin waxaa jiro daawooyin loo isticmaalo sida "Steroids"-ka, Fitamiinnada, Gubid-qalliin iyo daawooyin kale, waxaa kaloo laga daaweeyaa caabuqa iyo cuncunka.
Waxaa kaloo loo isticmaalaa daaweynta cudurkaan "Ultraviolet Beam Light" oo ah iftiin ka baxsan midabada ishu arki karto.
Haddii cudurka lagu daaweeyo daawada istiroodka waxaa dhici karta in uu ku soo laabto usbuucyo gudahood markii la joojiyo.

Halista cudurkaan halkee ayay gaarsiisantahay?
Cudurkani maahan kaankaro, dhibatadiisane waxa ay ku egtahay oogada, wuxuuna la mid yahay cudurrada ku dhaco maqaarka.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah halkaan ka weydii
SomaliDoc