Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Canabcumar on November 10, 2018, 04:24:57 AM

Title: Su'aal: Maxaa keeno wiswiska?
Post by: Canabcumar on November 10, 2018, 04:24:57 AM
Asc Drs su aashayda waxay tahay  maxaa sabab u ah inaad ka wiswisto waxyaabaha isu eg sida goobooyinka ama qururuxa tusaale ahaan digirta oo kale ama makrooniga afkeeda sharaxadaha dharka lagu sawiro ?
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno wiswiska?
Post by: SomaliDoc on March 23, 2019, 08:18:55 PM
Trypophobia waa cillad ka mid ah cilladaha cabsida ee loo yaqaano "Phobias", waa cillad uu qofka ka cabsanayo inuu fiiriyo waxyaabaha leh duldulleelada yaryar, waa cillad magac loo sameeyay sanadkii 2005, mar dhawne loo aqoonsaday inay cillad cabsi tahay.

Dad badan ayaa ii soo diray farriimo iyagoo sheegayo astaamo cabsi kala duwan markay arkeen ama fiiriyeen sawirro maalmahaan Facebook-ga lagu soo daadiyay taasoo ka muuqatay "qof ciribtiisa oo leh duldulleelo wasakh ku jirto oo la leeyahay cudur halis ah ayaa ku dhacay", sawirkaas wuxuu ka mid yahay sawirrada qofka uu aadka u dhibsado mana haboono in la soo dhigo bulshada dhexdeeda.

Haddii aad horay u aragtay sawirkaas ama sawirrada la mid ah, waad fahmi kartaa waxa aan ka hadlayo laakiin haddii aadan horay u arkin oo aad rabtid in aad fikrad ka qaadatid, baar eraygaan "Tryphphobia" oo ku qor "Google" qeybta sawirrada, waxaa kuu soo bixi doono sawirrada ay dhibsadaan dadka leh cilladaan.

Qofka leh cilladaan, hadduu arko sawiradaas wuxuu dareemi doonaa dhowr waxyaabood mid sida: wareer, labolabo, matag, wadne garaac, bog xanuun, kabuubyo madaxa, jiririco qoorta ah, dadka qaarne waxay dareemaan cabsi iyo welwel.

Kullamaa aad ka sii fakartid ama sii fiirisid sawirka way ka sii darayaan astaamahaas, hurdada wuu kaa qasi karaa inta aad ka fakaraysid, cunnadane waad ka go'i kartaa.

Illaa iyo hadda lama oga sababta aad astaamahaas oo idil u dareemaysid, xalka kaliyane waa in aad is hilmaansiisaa ama aadan fiirin sawiradaas haddii ay kaa soo hor baxaan.

Haddii intaas ay xal kuu noqon wayso, waxaad la kulantaa dhakhtar "psychologist" ah oo garanayo siyaabaha loola tacaalo cilladaha cabsida ee "Phobias".

Waxaan horay ula kulmay dad ay muuqaalladaas u soo muuqanayaan markii ay ku dhacdo malaariyada maskaxda gasho ee loo yaqaano "Cerebral Malaria" inkastoo aanan weli arag meel looga hadlayo, laakiin waa arrin u baahan cilmibaaris.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno wiswiska?
Post by: Laylafuad739 on March 23, 2019, 08:45:24 PM
Dr wan isku arkay calmadahaas marki an arko sawirada nocaas jirka dhana i gariira maanta dhana wa ay igu so lablaabtaan inan ilawo wey igu adkaata hada maba firiyo in laga dhafo social ayaa fica