Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaloudfarah on December 28, 2016, 08:22:07 PM

Title: Su'aal: Saliida Caloosha?
Post by: Khaloudfarah on December 28, 2016, 08:22:07 PM
S/C Salaan ka dib waxaan si joogto ah ula socdaa pagekan aad ku leedihiin facebook aniga oo idiinka mahad celinaya hawsha aad u haysaan umada af somaliga ku hadasha dhamaanteed oo idiin ducaysa wakhti kasta,
Hadaba waxaan qabaa cudurka gaaska oo aan in badan qabay waxaanan akhriyay maqaalkii gaaska aad kaga hadlayseen oo aan ka faaiday waxban xanuunka i hayana aan ka dhex arkay sida uu yahay waana labadan qodob ee hoos kuxusan
1. Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
2.Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
 Hadaba suaashaydu waxay tahay dufanka caloosha ku jirta ee lalabada keenaysa somaliduna u taqaano dacarta jidhka sidee looga sifayn karaa mise lagu sameyn karaa in tuunbo iyo wax la mid ah caloosha lagaga soo saaro waayo subax walba waan matagaa marka aan cadayanayo aniga oo wax huruud u eg mataga, waxaan jeclaan laha inaad ila soo talisaan.

Mahadsanid
Khalid M Faarah
Title: Re: Su'aal: Saliida Caloosha?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2017, 08:14:40 PM
Halkaan ka akhriso waxa qarastu ay tahay iyo waxa keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2346.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2346.0)