Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdalle78 on August 27, 2016, 11:45:24 AM

Title: Su'aal: Jimicsiga marka aad gaboowdid?
Post by: Cabdalle78 on August 27, 2016, 11:45:24 AM
asc
dhakhtar dadka qaar ayaa aaminsan in qofka Gym-ka cayaara marka uu gaboobo ay dhib ku keento caafimaad daro ah, sidee u aragtaa Dr arinkaas?
Title: Re: Su'aal: Jimicsiga marka aad gaboowdid?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 06:21:28 PM
Waxay jawaabta su'aashaada ku xiran tahay nooca jimicsiga iyo da'da qofka aad ka hadlayso uu jiro, waxaa muhiim ah in aad ogaatid in qofka kullamaa uu waynaado, ma xamili karo culeyska uu xamili karo qofka dhalinyarada ah, waxayna u geysan kartaa dhibaatooyin dhinaca lafaha, murqaha iyo seedaha intaba, haddii uu dhaawac gaarane si sahlan ugama bogsado.

Laakiin waxaa muhiim ah in aad ogaatid in da' walba ay leedahay jimicsi aan dhib u keenayn, tusaale qofka 20 jirka ah isku jimicsi ma samayn karaan qofka 60 jirka, sidoo kale qofka 30 jirka iyo qofka 50 jirka intaba.

Jimicsigu waa inuu noqdaa mid faa'ido leh oo aan dhibaato u keeneynin qofka.
Title: Re: Su'aal: Jimicsiga marka aad gaboowdid?
Post by: Cabdalle78 on March 23, 2019, 03:17:55 PM
haddii aan sii faahfaahhiyo dr , waxaan u jeedaa in dadka qaar ay dhahaan adoo da'a yar marka aad jimicsi biraha la qaadayo aad bilowdid oo jidhkaagu aad u dhismo ay keeni karto in qofku markuu gaboobo uu jidhkiisii aad u dabco, si ka duwan qofka aan biraha qaad qaadi jirin marka uu dhalinyarada ahaa, amase uu uga nugul yahay inuu faalig ku shaco qofka aan samayn jirin.