Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ifraax on August 20, 2009, 02:25:43 PM

Title: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
Post by: Ifraax on August 20, 2009, 02:25:43 PM
asc dhaman Dr somaliyeed ee wabkan sifican dadka uugu sacid

Salaam kadib waxaan rabilaha in aad iisheeg hadii ninka ragi ah leyahay low sperm ma waxaa jirto wax daawo ah oo lasiiyo oo kor u soo qaado sperm kiisa misa qofkii sidaas ayuu adanayaa oo wax lagu caawin karo ma jirto
Mahad sanidiin
Title: Re: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
Post by: SomaliDoc on August 29, 2009, 11:58:30 AM
(http://somalidoc.com/Topics/ugxan.png)

Waa maxay Low sperm count?
Low sperm count (Oligospermia) waxaa loo yaqaanno Xaw-yari waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno in raggu madhalays noqdaan.
Waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu qabaa xaw-yari markii 1ml of manidiisa ah laga hel0 in ka yar 20 million oo xaw ah (sperm).
Waxaa badanaa la isku qaldaa xaw-yari (Low sperm) iyo Mani-yari (Low semen).|
Mani-yari waa biyaha ragga oo yar, xaw-yarina waa unugyada abuurka ragga oo u qaabilsan bacriminta ugxanta oo yar.
Mani-yarida wuu ogaan karaa qofka laakiin in xaw-yari jirto ma ogaan karo illaa inta laga baarayo oo sheybaar la geeyo manida ka dibna la tiriyo meeqo xaw ayaa ku jirta halkii 1ml oo mani ah.

Maxaa keeno xaw-yarida?
Xaw-yarida waxaa keeno dhawr xaaladood oo ay ka mid tahay, cudurro, daawooyin, hormoonnada iyo vitaminnada qaar oo yaraado.

Waxyaabaha keeno xaw-yarida waxaa ugu horreeya kuwaan:

Sidee loo daaweeyaa xaw-yarida?
Sida aan kor ku soo xusnay daaweynta xaw-yarida waxa ay ku xirantahay waxa keenay, sidaa awgeed waxaa muhiim ah haddi adiga iyo lamaanahaada aad ka cabanaysaan madhalaysnimo in aad la tashataan takhtar maxaa yeelay waxaa keeni kara dhawr dhibaato oo kala duwan.
Midda kale xaw-yarida qofku ma sheegi karo mana dareemi karo illaa in baaritaan sheybaar lagu sameeyo.
Haddii aad xaw-yari lagugu sheegay baaritaan sheybaar ka dib waxaad kaalmaati ahaan u sii samayn kartaa adigoo la kaashanaya dhakhtar waxyaabahaan soo socda:

Waxaa jiro kaniini loo yaqaanno kobciye xaweed (Semen enhancement pill), inta aadan isticmaalin daawadaan waa in aa fikrad ka heysatid shirkadda soo saartay maxaa yeelay shirkado aad u badan oo aan la garaneyn oo xayeysiiya kaniiniyadaan ayaa jira taasoo haddii lagu dagdago dhibka kuu kordhin karata.
Midda labaad inta aadan kaniiniga isticmaalin kala tasho takhtar in aad u baahantahay iyo in kale iyo waliba sida aad u isticmaaleysid.

Akhriso Cunnada Ragga U Roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html)
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah iigu soo dir halkaan:

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
Post by: Bagaax on April 06, 2019, 09:27:11 PM
Dr khayr allaha ku siiyee
Waxan ku waydiinaa ninka goormee la dhihi karaa waxa uu qabaa xawo yari tiro intee la leg ayaa la dhihi karaa haday intaas ka yaraato waxa ad qabtaa xawo yari
Title: Re: Su'aal: Low Sperm daawo ma leeyahay?
Post by: Abdi Hafow on May 16, 2019, 09:33:34 AM
Asc digtore
Suasheydu waxa weeye. Waxaan isku arkay hadaan riyoodo anoo galmo sameynaya shahwaa iga imaan jirtay hada se mar dhow iga imaan mayso.

Tankale xiniyahaygu waa ay dheeradeen sidoodi hore ma ahan