Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmadsuldaan on April 21, 2017, 01:57:48 PM

Title: Su'aal: Xanun indhaha iyo dhinaca jirka kamid ah
Post by: Axmadsuldaan on April 21, 2017, 01:57:48 PM
Asc Dr, marka hore wad ku mahadsantihin sida wanagsan ee aad no sacidid, kadib waxan halkan kuso gudbinaya xanun aan fahmi la'ahay dhibato badana igu hayo in muddo ah: dr waxan xanunsanahy bilowgi 2012 illaa hadda waxan daremay marki hore xanun isha midig ah iyo qeybta dambe ee madaxa(halka margigu ka bilowdo) iyo garabka dabadisa oo aad umaleyso wax muruq kaga taaganyahay cml, waxa aad idhibayay iftinka oo dhan, layrarka ama qoraxda, waxan utagay dhaqtar indhaha wuxuna igu yiri aragaga wa fcnyahay ookiyale sunglasses ah uu i qoray, wan xirtay lkn waxba isma badalin, waxan utagay mid neerfaha daweya, wax jwb ah oo xanunkeyga ah ima sin cirbado iyo kanin farabadan uu iqoray all wn qatay wax weyna kama garan, xanunkina wa igusi batay oo dhinaca kore ee madaxa iyo dhinaca hose ee lugta iyo dhabarka uu aaday(waxana igu daran qoorta illa dhabarka xididka isku xirayo illaaa lugta faysha) waxan la kulmay dgaqatir fara badan waxa la isaray MRI machine iyo CT-Scan labadaba oo dhanka madax ah waxna la igama shegin: mudadas waxan dareemayay; xanun hal dhinac ah siiba madaxa oo aad i xanunayo iyo indhaha waxana ugusi daran markan isticmali tago mobileka ama computerka oo indha ixanuunayan hindhiso iyo diif biyo ah oo san ka imanayo iyi waliba indhaha oo yaryaranayo iyo xanun badan oo dhan surka ah gaar ahan qanjirka dhaqta hoosteda iyo surka dhan oo garaac iyo kulayl aan ka daremayo, waxa igu dhcday in arageygi daciifay oo la ii qoray ookiyale +0.5 ayan markan watay aan kasi daray hadana aan wato mid ah +0.75 oo walina aad daremayo xanunki oo aad igu badan lkn an wsx ku arki karo hadaba dr maxad iga dhihi lahayd arinkan? Waxan kalo isku arkay xanaq iyo inan buuqa u dulqaadan karin iyo diiqad aniga dhan hurdeyda oo aan sahal ku hurdi karin xanun dartis iyo aniga ok habenki hurada si dhaqso ah ogaso tosayo marar fara badan..... Hadaba taladada muhim ayay ii tahay dr cilmigaga allah haku barakeyo jwb ayan kaa sugaya....
Title: Re: Su'aal: Xanun indhaha iyo dhinaca jirka kamid ah
Post by: SomaliDoc on September 04, 2017, 08:22:26 PM
Bismillah,

Allaha ku caafiyo marka hore, anigoo warbixintaada ku dhisayo cabashada aad ii soo gudbisay, xanuunkaaga wuxuu iila muuqdaa laba mid oo kala ah:
1- Xanuun neerfaha oo qoorta ka bilawday, inkastoo aad ii sheegtay in MRI lagu saaray, laakiin qoorta lagaama saarin oo madaxa in lagaa saaray ayaan u fahmay, si aad warbixin dheeraad ah uga heshid xanuunka aan ka hadlayo qoraalkaan akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0)

2- Madax xanuunnada loo yaqaano "Primary headaches" kuwa ka mid ah way yeelan karaan astaamaha aad tilmaantay, sida madax xanuunka "Tension headache", "Cluster headache" ama "Sinus headache": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0)

Labadaas qeyb mid ka mid ah ayay u badan tahay xanuunkaaga, baaritaannada aad samaysay ee madaxa la saarane waxba laguma arko, waxaad u baahnaan lahayd waraysi qoto dheer si loo kala sooco xanuunadaada, kadib waa laguu sheegi karaa waxyaabaha lagula tacaali karo, marka waxaad fariintaada iigu dhaafi kartaa qeybta farriimaha ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)