Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sowda on March 31, 2015, 04:05:48 PM

Title: Su'aal: Wax Ilaabid ama Xasuus la'aan ?
Post by: Sowda on March 31, 2015, 04:05:48 PM
Asc dhaman bahda Somali doctor  waxa  qabaa cudur wax ilaabid ladhaho sida inan waxba xifdin karin inan ilabayo sida casharada schoolka Hada hadaN book aqriyo hadaN daboolo Waxba kama xasusan karo  wixi aan meldhogo xita same times ma xasusan karo marka plz  Maxa keno wax qabad la'aan ta maskaxta ? Maxa sababa ? Maxse lagu daween kara plz thanks ?
Title: Re: Su'aal: Wax Ilaabid ama Xasuus la'aan ?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2015, 03:49:49 PM
Ilowga ama hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid yahay.
Hilmaanka waxuu noqon karaa wax iska caadi ah oo muddo gaaban heyn karo qofka iyadoo ka imaan karo xaaladda uu ku suganyahay markaa sida "Diiqada / Niyad Jabka ama Fakarka" oo kale.

Hilmaanka & Ilowgu wuxuu noqdaa cudur markii qofku uu la kulmo dhibaatoo caafimaadeed sida cudurrada "Parkinson's iyo Alzheimer's".
Ilowshaha wuxuu ku bilaaban karaa qofka dhibaato jug ah oo qofka dhinaca maskaxda ka soo gaarto ama dhibaato xag nafsaani ah.

Hilmaanka waxaa kaloo keeni karo hadduu qofka balwad leeyahay caafimaadka u daran, sida qaad cunista, sigaar cabista, siigeysiga ama daawasahda filimaanta xunxun, waxayna arintaan ku badan tahay dadka dhalinyarada ah.

Marka si loo ogaado dhibaatada heyso qofka nooceeda iyo heerka ay gaarsiisantahay waxaa loo baahanyahay wareysi iyo baaritaan dheeraad ah.

Haddii aad aaminsan tahay in hilmaanka uusan cudur kuu keenin, waxaad badisaa akhrinta quraanka iyo dikriga waxay daawo u tahay cudurro badan oo hilmaan keeno oo caafimaadka daawo u haynin.

Akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan hilmaanka iyo ilowshaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)