Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamal Cade11 on February 21, 2017, 11:16:00 PM

Title: Su'aal: Cudurka Penile Shrinkage?
Post by: Jamal Cade11 on February 21, 2017, 11:16:00 PM
ASc Dr maxa sababo siduuna kuyimada cudurkan sidena loga hortaga ina isharaxdo ban raba insha allah
Waxan isku arka 3bil kadib mar xibinto iyara shuqeso kadibna cadi kuso labaneso cadiyan xibinteda
we wentahay blse marka xanunkan arko 5malin kadib sideda be kuso labanesa maxa cudurkan dhaliyo dawa male yahay.
sidena low daween kara Penile Shrinkage mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Cudurka Penile Shrinkage?
Post by: SomaliDoc on June 02, 2017, 11:36:25 AM
Taasi waa qalad ay dhalinyaro badan aaminsan tahay, in xubintu ay shuuqdo ama yaraato maahan cudur, waana wax Alle ugu talagalay, waxyaabaha keeni karo waxaa ka mid ah isbadallada cimillada, khaastan xilliyaha qaboobaha way shuuqdaa, qofka markuu welwelsan yahay ama isku buuqsan yahay sidoo kale iyadane way shuuqdaa, laakiin waa arrin kumeel gaar ah oo wax isbadal ah xubinta kuma dhacayso.

Laakiin cilladda loo yaqaano "Penile shrinkage" waa arin joogto ah waxayna ka timaadaa dhaawac gaaray ama howlgab ku dhacay neerfaha, waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah dhaawac xubinta kaa gaaray, qalliin xubinta lagaaga sameeyay ama qofka markuu duqoobo oo da' noqdo.

Waa muhiim in aan la isku qaldin labadaan arrimood, midda hore waa arrin dabiici ah oo qof walba Alle ku abuuray, midda dambane waa cillad ka dhalatay dhibaato kale.