Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on November 01, 2015, 06:58:43 PM

Title: Su'aal: Nabar miyuu igu abuuray gaaska?
Post by: Kamaal on November 01, 2015, 06:58:43 PM
asc doctors waxan ina waydinayaa suaal waxayna tahay gaas ayaa mudo ihayey waxan tagay dhakhtar komyutarna waa isaaray wuxuu ii qoray daawo anoo waydiin in uu gaaska nabar igu dhaliyey iyo inkale ayaan kaso tagay hadaba icaawiya dawooyinka uu ii qoray waxaa ka mid ahaa,,famocid,, kaniini lagu magacaabo waxana hoos aga qoran,,anti peptic ulcer agent, marka doctor warkaas ma cadyahay
Title: Re: Su'aal: Nabar miyuu igu abuuray gaaska?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2015, 02:48:56 PM
Famocid 40 mg waa kaniini hoos u dhiga aashitada caloosha ku samaysanto ee dadka qabo cudurka gaaska.
Inuu nabar kugu sameeyay gaaskane laguma ogaado computerka ama ultrasound-ka caloosha la saaro ee waxaa lagu ogaadaa "Endoscopy" oo ah tubo afka lagaa gelinayo illaa caloosha tagayso oo afka hore ku leh kaamiro lagu arki karo inuu nabro kugu sameeyay iyo nooca nabarka uu yahay iyo haddii cad ama dheecaan laga soo qaadayo nabarkaas si loo baaro.

Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)