Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: C.risaaq on March 05, 2016, 10:58:41 AM

Title: Su'aal: Waxa layga hayay xiniinta bidix iyado marmar bararaysa?
Post by: C.risaaq on March 05, 2016, 10:58:41 AM
Asc  in muddo ah waxa layga hayay xiniinta bidix iyado marmar bararaysa o xanuunaysa sido kale xiniinta dusheeda mesha la gumaarka ama timaha hooso kaso baxan dhanka bixin baa ad ibararaysa o xanuun badan leh . iyado marki an saxaroodo ama calosha cunta badan gasho ama an dibiro calosha ah daremo baa xininta iyo korkeeda barar ka daremaya sidi wax aaryo galayso o kale . kadib marka dhakhtae utagy wuxu iga helay xanuunka burucelle inkasto mesha jooga ay tahy tuulo yar hada baaritan badan ma marin . marka burucelle ka makeeni karaa xininyo xanuun ama in xininta aaryo gasho??
Title: Re: Su'aal: Waxa layga hayay xiniinta bidix iyado marmar bararaysa?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2016, 12:37:16 PM
Xanuunka aad tilmaamayso buruseel ma keeno, waxayna noqon kartaa laba mid:
1- Meesha barar inay qanjir tahay, kaasoo ka tarjumayso infekshan xaniinta hayo.
2- In eerno xaniinyada gasho oo caloosha ka timid ay tahay, tanne waxaa keeno mindhicirrada uu soo dhaafo teedka murqaha caloosha oo dabcay.

Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar u tagtid isagoo baaritaan kuu dirin ayuu ku kala fahmi karaa labadooda midka ay tahay, kadib ayuu baaris kuu sii diri doonaa ama daawo ayuu kuu qori doonaa.