Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 08, 2017, 01:40:57 PM
-
(http://somalidoc.com/Topics/waxaro.png)
Bismillah,
Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa baraha ama dhibcaha cadcad ee ku samaysma ciddiyaha, afka qalaadne lagu dhaho "Leukonychia".
Badanaa barahaas cadcad waxay yimaadaan markuu dhaawac gaaro ciddida, wayna baaba'daa markay ciddida korto, waxayna ku badan tahay caruurta yaryar maadaama cidiyahooda ay jilicsan yihiin.
Wax caafimaad darro ah ma keento, wayna iska baaba'daa muddo ka dib.
Nuucaan dabiiciga waa midka ay soomaalida qaar tiraahdo "waxaro" iyagoo ku saadaaliyo in xoolo badan caruurta ay heli doonaan, maadaama markay yaryihiin waxaro la siiyo, inay u kori doonaan una badan doonaan.!!
Waxaa jiro nuuc aan laga aqoon kuwaan, astaanne u ah xanuuno jirka ku dhaca ama waxyaabo jirka ka maqan.
Goormay astaan xanuun noqotaa?
- Haddii cadaanku ku faafo ciddida oo dhan, waxay astaan u tahay in jirka ku yar yahay borotiinka loo yaqaano "Albumin", borotiinkaan waxaa soo saaro beerka, marka haddii sidaan la arko, qofka waxaa laga baaraa caafimaadka beerka iyo caafimaadka kilyaha, waxaana loo yaqaanaa "Leukonychia Totalis".
- Haddii cadcadaanku ay yeeshaan qaab xariiqmo ah, waxaa loo yaqaanaa "Leukonychia Striata", waxay astaan u tahay hadduu qofka ku sumoobo macdanta qaar sida rasaasta oo kale, waxaa kaloo keeni kara daawooyinka loo qaato cudurka kansarka, xaalado dhif ah waxaa lagu arkaa caruurta qaarkood oo aad ugu xanuunsado cudurka malaariyada iyo jadeecada.
- Haddii cadcadaanku uu yahay kan dabiiciga ah ee sawirka ka muuqdo loona yaqaanno "Leukonychia Punctata", waa mid dabiici ah, muddo kadib ayuuna baaba'aa, hadduu baab'i waayo waxaa la aaminsan yahay in qofkaasi ay ku yar tahay maaddo nafaqo ah oo usan jirka ka maarmin, waxaana macdantaas loo yaqaanaa "Zinc", ka akhriso link-gaan waxa ay tahay maaadadaan iyo cunnooyinka laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3238.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3238.0)
Ogow haddii aadan wax xanuun ah isku arkin, dhibcahaan waa dabiici, wayna kaa baab'i doonaan, laakiin haddii aad xanuunsan tahay, adigoo xanuusanne ciddiyaha ay ku cadaadeen, markaas waxaad u baahan tahay in dhakhtarkaaga aad la socodsiisid.
Haddii aad su'aalo qabtid, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
waa mahdsan tahay dr. waxaa ku arkay wiil shan jir ah oo dhalay dhibcahaas cad cad waana iga jahil bixisay. lkn laba cidi ayaa waxaa ku taalo wax gududan oo sidii bishii u wareegsan dhibna kuna hayo mana fuqayan oo waa gudaha maxaa keeni kara