Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fadhiyare on March 19, 2016, 08:25:41 AM
-
waxaan jeclahay in aan doctorka waydiiyo su'aal la xidhiidha dhibaatada galmada.
waxaan ubiyo baxaa si deg deg ah waliba mudo ka yar 1 daqiiqo, doctorna lama xidhiidhin, waan siigaysan jiray yaraantaydii balse hada xaas baan leyahay waxaana iga haysata dhibaato xaga galmada. waxaan waydiin lahaa doctorka dhibaatadan caafimaad daro xal maloo heli karaaa.
-
Asc walaal aad baan ku salaamayaa dhibaatadan waa mid aad u balaadhan oo dhalinyarta maanta haysata , walaal hadii aan soo koobo jawaabtaada haa waa la xalin karaa waliba bilaa dawo balse waxay u baahan tahay samir badan.
dhibaatadan waxaa la yaqaanaa Premajure Ejaculation waxayna u qaybsan taaa qaybo badan balse already waxaad ka dhawaajisay inaad siigaysan jirtay, taasna waxay muujinaysaa ama aan cabirikaraa inay tahay cilad danbe oon ahayn mid aadan lahayn siigaysi ka hor.
dhibka ku haysta badanaa waa lagu micneeyay sidan;
siigaysiga wiilashu badanaa waxay bartaan markay da'doodu u dhaxayso 12-15 jir xiligaas oo badana la nool yihiin waalidkood khatara u yihiin in lagu qabto iyagoo siigaysanaya sidaas daraateed waxay u sameeyaan sigaysiga dhumaalaysi iyo si dhaqso dhaqso ah, kadib tartiib tartiib ayaad u tababaraysaa dareenkaaga iyo maskaxdaada in markaad hawsha samaysid durba biyuhu kaa yimadaan!
maskaxdaada ayaa si indirect ah u tababartay in biyaha dhaqso kaaga yimadaan.
xalka kali ah eed samayn karto waa inaad maskaxda re-wire ku samayso taas na rag badan ayaa natiijo fiican ku gaadhay.
ha isku dayin inaad wax ku xaliso kiinino sida viagra hadii aad saas samayso xaaladaada waad sii xumaynaysaa.
waxaa jira qaab kale oo iyadana faaiido badan tijaabana kasameeyay qoraalkeedana hada ku guda jiro.
waxaa jira barmaamij dhamaystiran oon halkan kusoo gudbinayno si aan uga caawino walaalaha soomaliyeed ee siigaysigoodu la galay xaalad.
1. hawlgab kacsi
2. biyo bax dag dag ah
3. biyaha oo iska yimaada iyadoon wax dareen ah oo saas usii badan jirin.
lasoco topic faahfaahsan oon kusoo qaadan doono biyo baxa dag daga ah qaabka aad u wajihi karto.
-halgabka kacsiga
-dareen la aanta
........
-
Jawaabta ku aadan awood darrida halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)
Jawaabta ku aadan biyobaxa degdegga ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html)
Jawaabta ku aadan dhibaatada siigada, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)