Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Naale on January 11, 2012, 10:13:01 PM

Title: Su'aal: Digirta/Cambuulada qofka gaaska qabo ma u daran tahay?
Post by: Naale on January 11, 2012, 10:13:01 PM
Asalaamu Calaykum Dhaqaatiirta sharafta leh ee SomaliDoc Waa idin salaamay, salaan tan ugu qiimaha badan.

muddo waxaan qabay gaas aad u daran, 2009ki waxaa caloosha leega galiyay tubo ka dib waan ka fiicnaaday, dib dambe ayaan waxaan dareemay in gaaski uu igu soo laalaabanayo balse aan sidii hore u cusleyn amaba u xoog badneen. dadka ayaa waxay igu yidhaahdaan marka "iska dhaaf digirta ha cunin" iyo waliba canjeerada, marka dhaqtar maxaa igula talin leheed wixi ilaahey kaa garansiiyo.

waa mahadsan tahy
Title: Re: Su'aal: Digirta/Cambuulada qofka gaaska qabo ma u daran tahay?
Post by: SomaliDoc on January 28, 2012, 11:15:48 PM
Digirta waxaa ku jiro maaddo la yiraahdo "FLAVONOIDS" oo disho bakteeriyada gaaska keento, marka digirta kaligeed ma keento gaas ee waxaa laga yaabaa qaabka loo kariyaya iyo waxa aad ku cuntay in ay gaas kuu keenaan.
Canjeerada haddii khamiirka ku badan yahay waxay kuu keeneysaa gaas, laakiin haddii canjeero khamiir la'aan ay tahay wax dhib ah ma keento.

Qaado talooyinkaan si aad gaas calooleedka uga fogaato:
1- ha ku cashaynin cunno suugo leh, baasto ama bariis.
2- ha cunin cunnooyinka dhanaanka ah, dufanka badan iyo caibtaannada aashitada leh.
3- ha cabin kafeega iyo shaaha caleenta ku badan tahay.
4- ka fogow daawooyinka qaar sida asprin-ka iyo ibuprofen-ka kuwaas oo boog calooleedka gaaska keeno.
5- waqti ha cashaynin hana ku jiifanin.
6- caloosha ha buuxsanin, gaajadane iska ilaali (cunno yar yar oo aan kala fogayn).
7- haddii aad balwad leedahay jooji sida cabidda sigaarka iyo qaadka oo labadoodaba gaaska ay u daran yihiin.
8- iska ilaali hilibka shiilan iyo baruurta.
9- iska ilaali miraha cayrinka ah, liin balbeelmada, qaraha, lowska, cinabka iyo oranjada.

waxaa laga yaabaa liiskaan kore in ay ku jiraan cunno aan ku dhibin waa suura gal oo dadka way ku kala duwan yihiin.
Title: Re: Su'aal: Digirta/Cambuulada qofka gaaska qabo ma u daran tahay?
Post by: Naale on February 18, 2012, 11:03:37 PM
Aad ayaad u mahadsan tahay Ditoore, sidaa hadda ii sheegtay oo kale ayaa Doctorkeyga igula taliyay inaan joojiyo cabitaanada aashitada leh iyo qudradda dhandhanaanka ah....Illaaheey hakaa ajar siiyo taladaadana waaan qaaatay