Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on May 07, 2010, 09:06:38 AM

Title: SU'AAL:TRIGEMINAL NEURALGIA?????????
Post by: Barkhat on May 07, 2010, 09:06:38 AM
[center][/center] marka hore dhamaan waan idin salaamayaa
ikhyaarta qaaliga ahoow marka xigta waxaan u mahadnaqayaa
ILLAAHAY oo inoo sahlay inaynu halkan isugu nimaadno oo aynu waxaynu isu qaban karo iska caawino sidii in aan wada joogno oo kale, marka xigta waxaan u mahadcelinayaa doctors-ka iyo dhamaan hawl wadeenada webkan qiimaha badan ee somalidoc.com.

intaa ka bacdi walaal waxaan doonayaa inaad ii sheegtaan oo weliba ii faahfaahisaan cudurka la yidhaahdo "trigeminal neuralgia"  muxuu yahay xaguu dadka kaga dhacaa maxaa lagu gartaa calaamadihiisa?????
waad mahadsantihiin wsc
Title: Re: SU'AAL:TRIGEMINAL NEURALGIA?????????
Post by: SomaliDoc on May 16, 2010, 10:19:10 PM
Trigeminal neuralgia waa xanuun raaga oo ku dhaca neefaha trigeminal.
Neerfaha trigeminal wuxuu dareenka ka qaadaa wajiga una gudbiyaa maskaxda.
Haddii aad qabtid xanuunkaan taabashada wajigaaga wuxuu kiciyaa xanuunkaan sida markii aad cadaysanayso ama wajiga aad wax marsanayso oo kale.

Xanuunkaan wuu muddo yar ayuu dadka qaar hayaa dad kalane wuxuu hayaa muddo dheer.
Waa cudur la daaweyn karo ee la xiriir takhtar si daawo laguugu qoro.
Title: Re: SU'AAL:TRIGEMINAL NEURALGIA????
Post by: Barkhat on May 18, 2010, 08:07:57 PM
asc bacda salaan waad mahadsantihiin dhamaan takhtaradan somalidoc.com alle khayr ha idin siiyoo wsc