Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khalled Mohamed on May 22, 2017, 12:51:55 PM
-
Asc dr aadban kusalamayaa zalan ka dib
Waxan isku arkay muddo laga joogo hadda sanad waxa aan imi wadan qurbe ah oo aan wadankii kasoo maqanahay waxa aan isku arkay miisaankayga oo sii lumaaya waaxan isku dayay in aan hakiyo miisan lumista markii an imi waxa aan ahaa 64 hadda waxa aan ahay 58kiloo tallo ayan kaaga baahanahay dr sidii an ku hakin lahaa sidoo kale waxa aan galayaa shaqo oo hadii miisankaygu ka hooaeeyo 60 lay qaadanmaayo sideen ku siyaadiyaa miisankayga dr plz iga caawi hadi ay suura gal tahay
-
- Badso cunnada tamarta leh sida hilibka, digaaga, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lowska
Si aad u kororsato nus kiilo usbuucii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kalori ka badan inta aad isticmaashay. - Kala dooro cunnada, hilib iyo kalluun ku badalo rootiga, ukunta ka dooro qudaarta haddii aad rabtid miisaan dhakhso ah.
Cun cunno ku badantahay borotiinka iyo karbohaydareetka. - Badso cunnooyinka fudud una dhaxeysii waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada.
- Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo juuska.
- Samey jimicsi joogto ah si murqahaaga u dhismaan.
In miisaan la dareemi karo ku kordho waxay u baahantahay bil iyo wixii ka badan ee ha dagdagin.