Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Miqdaad11 on August 18, 2016, 03:53:15 PM

Title: Su'aal: Muhiimada Quraacda?
Post by: Miqdaad11 on August 18, 2016, 03:53:15 PM
ASC Dr Waxaan Maalin dhaweeto Aqriyey Qoraal aad shabakada soo gelisay oo ku saabsanaa Muhiimada Quraacdu Leedahay waxaana qoraalkaada aad ku sheegtay in qof aan subaxdii quraacan laga yaabo in lagu arko buurni/cayil waxaan rabaa inaad faah faahin naga siisid sababta keentay qofka aan subaxdii quraacan inuu buurto
Title: Re: Su'aal: Muhiimada Quraacda?
Post by: SomaliDoc on October 14, 2016, 10:52:35 AM
Cilmbaarayaasha ka dhawaajiyay arintaan waxay sheegeen in dadka aan cunin quraacda inay cunaan qado badan, taasoo sida quraacda kadib aan la samaynin dhaqdhaqaaq ku filan gubitaanka cunnadaas, waxay kaloo sheegeen in qofka markuusan quraacan inuu hamuun u qabo ama maskaxda ay raadinayso cunnooyinka u badan dufanka iyo macaanka si sokorta aysan u dhicin, waana cunno hadii lagu qadeeyo jirka aanan si sahal ah uga bixin.
Title: Re: Su'aal: Muhiimada Quraacda?
Post by: Maaji29 on October 14, 2016, 05:43:29 PM
Dr waxan kuweydiinaa caloosha oo wax habo igu jirto oo kale waxaan dhafis dareema markan dhuuso maxay thay dr
Jwb inshalaha
Title: Re: Su'aal: Muhiimada Quraacda?
Post by: SomaliDoc on October 22, 2016, 05:13:26 PM
Taasi waa nooc ka mid ah gaaska, hawo ayaa ku aruurto caloosha, markuu qofak daacsado ama dhuuso ayuu nafisaa.
Daawo video kuu faahfaahin doono cudurka Gaaska:
https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU (https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU)

https://www.youtube.com/watch?v=UP70W9M1dw4 (https://www.youtube.com/watch?v=UP70W9M1dw4)