Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Safiyo on October 02, 2016, 08:37:53 PM

Title: Su'aal: Waa maxay methylene tetrahydrofolate reductase dna?
Post by: Safiyo on October 02, 2016, 08:37:53 PM
Dr Cabdullahi asalamu caleekum. Walaalo Illaheey ajir fara badan hakaa siiyo hoosha aad noo heeyso Illaheeyne qeer fara badan haku siiyo. Walaalo waa maxay cudurkaas
? methylenetetrahydrofolate reductase dna.?.
Maxaase lagu daaweeyaa?. Waxaa laga heley dhiigeeyga mida kale ma hor istaagi karaa in aan  uur qaado ? Iina soo duceey in illaheey owlaad saalix ah I siiyo aniga iyo intii Muslim ah ee u baahan.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay methylene tetrahydrofolate reductase dna?
Post by: SomaliDoc on October 22, 2016, 04:34:09 PM
MTHFR oo laga soo gaabiyay (methylenetetrahydrofolate reductase) ma ahan cudur ee waa dheecaan burburiye jirka alle ku abuuray oo dadka qaar ka maqan, waa cillad la dhaxlo, cilaldaan ayaa keento xanuun loo yaqaano "HOMOCYSTINURIA" oo ah macnaheeda in jirka uu ku bato waxa loo yaqaano "Homocysteine", waa cudur lagu yaqaano dilan joogto ah iyo dhiig-karka uurka ee loo yaqaano "Eclampsiyada".

Waxaa jiro daawooyin loo qaato cilaldaan iyo daawooyin la iska ilaaliyo, waa muhiim in aad la xiriirtid dhakhtar takhassus u leh daaweynta cilaldaan, oo aadan dhakhtar walba u tagin.
Daaweyntu waxaa la socdo talooyin badan iyo ka warqab joogto ah, daawaduna waa ku meel gaar inta hadda la ogyahay.

Alle haku siiyo caafimaad buuxa iyo awlaad saalixa.